Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Choukri on January 12, 2015, 06:41:13 PM

Title: Su'aal: Waaxan qaabaa dhabar xanunu badan?
Post by: Choukri on January 12, 2015, 06:41:13 PM
asc wlllo aad iyo aad ayaad idiinku mahadcelinay dhakhtiirta iyo bahda boogan ,wanana uu gudbayah suu:aashayda wlalal waxan qabah dhabar xanunu iskuso wareeg iyo qabsin waax dhakhtar haa uman tagen waxana uu badantay shaqadaydo fadhiih labada galiin waxa idheer cagah oo ii olaala oon markasta inan biiyo kushubo raabo ee wahan idiinka raab taloo doctor ;wana idiin mahadcelinay dhaman tiin .byyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyy
Title: Re: Su'aal: Waaxan qaabaa dhabar xanunu badan?
Post by: SomaliDoc on January 13, 2015, 12:52:44 PM
Xanuun wareegga ah (mindhicirta iyo dhabarka qeybta hoose), waxyaabo dhowr ah ayaa keeni karo oo ay ka mid tahay infakshanka haweenka ku dhaca ama caabuq kaadi mareenka ah.
Caga olol waxyaabaha keeni karo waxaa ka mid ah gaas calooleedka ama fitamiin yarida ama xanuun luga sidooda u hayo.

Waxaa dhici karto in labada astaamo ee aad soo tilmaantay ay hal cudur isku noqon karaan ama ay kala duwanaan karaan, si laguu ogaado waxa ku hayo oo tafasiilsan waxaa habboon in aad takhtar la kulantid si laguu wareesto, laguu baaro, kadib ayaa la ogaan karaa wixii xal ah.

Haddii uu jiro xanuun aad isleedahay warbixin ayaad uga baahan tahay ama waad qabtaa oo faahfaahin naga waydiinaysid waad soo gudbin kartaa.
Talo ahaan la xiriir takhtarka cudurrada guud, kadibne wixii talo uu ku soo siiyo waan kaala talin karnaa iyo wixii warbixin aad u baahato.

Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa.