Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Aamino on January 20, 2015, 03:31:22 PM

Title: Su'aal: waxaan dareemayaa cagaha oo i qaboobaya?
Post by: Aamino on January 20, 2015, 03:31:22 PM
Su'aal wam idin salamay dhakhatirta somsliyed salan kadib waxan daremayaa daal cagaha oo iqabobaya habenki malintina ixanunaya markan cabartagnado  waxan daremaya calamadaha dhigla anta oo dhan  markan dhakhtarka utagana waxa uu  dhahaya dhigagu waa ok wax dhigyari ah kumahayso marka anigana waxan iska so ibsaday kininiga dhigyarida oo  an iska cuna malinki hal xabo ama malin dhaf markan cuno kininka waxas oo dhan wan ka ficnanaya waxan daremaya aktiv oo hawlahayga oo dhan waxan u qabsada si fudud oo an dal iyo caga xanunlahay almx marka waxan idin waydinaya miyu wax dhiba ikenaya kininka birta oo an dhakhtar ii qorin wad mahadsan tihin
Title: Re: Su'aal: waxaan dareemayaa cagaha oo i qaboobaya?
Post by: SomaliDoc on January 21, 2015, 11:59:21 AM
Calaamadaha dhiigyarida aad wada dareemayso maxay yihiin?
Title: Re: Su'aal: waxaan dareemayaa cagaha oo i qaboobaya?
Post by: Aamino on January 21, 2015, 12:14:33 PM
Waxan daremaya  werer daal  lugaha oo an kqabobayo habenki maluntina wa ay ixanunayan markan cabartagnado   inshaha oo ad modo in ay igubanayan  wan xiqaya markan soconayo wan nefturaya habenki markan sexdo mar wan kululanaya aniga dhan  marnawanqabobaya  waxana ay igu sibadan yihin calamadahani marka ay cadadu igu sodhowdahay isbuc ka hor cadad  iyo marka ay iga sidhamanayso  ayan ad udaremaya dhiga cadaduna iguma badna wa normal wad mahadsan tihin
Title: Re: Su'aal: waxaan dareemayaa cagaha oo i qaboobaya?
Post by: SomaliDoc on January 24, 2015, 05:57:30 PM
Claamadaha aad tilmaantay dhiigyari way noqon kartaa, cadaadiska dhiigga oo dhacsane wuu noqon karaa, Gaas wuu noqon karaa, Miisaankaaga hadduu culus yahay oo cadaadis wadnaha saarayo wuu noqon karaa.
Fadlan la xiriir takhtar guud si uu kuu baaro, kadibne kuu sheego cilladaada waxa aya tahay.

Takhtarkaaga xanuunkii uu kugu soo sheego waan kaala talin karnaa insha'llah.