Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abuuyuusuf on January 21, 2015, 04:51:14 PM

Title: Su'aal: Gaaska ma leeyahay wadnaha oo ku gubanaya?
Post by: Abuuyuusuf on January 21, 2015, 04:51:14 PM
asc salaan kadib waxan kidin waydiin lahaa taqaatiirta sharafta leh waliba gudanaya waajibka ixsaanka loo samaynayo dadkooda  waxaan horay uqabay mudo dhoor sano ah gaas hada waxan isku arkay astaamo aan isleeyahay way kugu soo saaideen waayo markaygii hore marka aan dareemo gaajo ayaa caloosha i guban jirtay ama aan ka dareemi jiray kuleel  hada waxan dareemayaa aniga oo dhargan ama hada ka kacay raashin ayan dareemayaa kuleel caloosha ah iyo waliba wadnaha oo aan ka dareemayo isagana kuleel marka waxan idin waydiinayaa ma yeelan karaa gaaska in uu u kululeeyo wadnaha sida ay caloosha u kylulaato iyo cagaha waad mahadsantahiin

caafimaadka waxaa xaqiiqo ah in uu ilaahay haayo ee alaha na caafiyo dhamaan
Title: Re: Su'aal: Gaaska ma leeyahay wadnaha oo ku gubanaya?
Post by: SomaliDoc on January 24, 2015, 05:29:17 PM
Wadnaha halkee u taqaannaa marka hore?
Dad badan oo soomaalida ah waxay wadnaha ka aaminsan yihiin inuu ku yaalo bogga oo ah meesha jilicsan uu feeraha isaga yimaadaan ka hoos oo caloosha ka sarreyso.
Halkaas hadday tahay meesha aad tilmaamayso, gaaska wuu keena hur ama gubasho bogga ah weliba la dareemi karo markii cuntada la cuno.
Gaaska ma keeno in wadnaha "naaska bidix hoostiisa" inuu ku kululaado ee wuxuu keeni karaa wadnaha oo saaid kuu garaacmo, maadaama gaaska uu cadaadiska dhiigga uu rido.

Halkaan ka akhriso Gaaska calaamadihiisa. (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)