Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Sophia on May 16, 2017, 05:22:28 PM

Title: Su'aal: Daamanka qeybta gudaha ayaa i xanuunayso?
Post by: Sophia on May 16, 2017, 05:22:28 PM
wxn qaba sual an donayo inan halkan kuso gudbiyo dhakhtar wxn isku arka marmarka qaarkod damanka qaybta gudaha iney I xanunan kadib na bararan o midab cadana ah yeshan o malax iyo dhiig kayimado kadibna Mesha dilacdo asbucyo kadibna fiicnaado marka cudurkas muxu yahay wadna mahadsantihin
Title: Re: Su'aal: Daamanka qeybta gudaha ayaa i xanuunayso?
Post by: SomaliDoc on November 19, 2017, 10:12:03 AM
Xanuuno badan ayaa ku dhaca afka gudihiisa, laakiin qaabka aad u sharxaysid waxay ubadan tahay in cabeeb ama umulow uu yahay, laakiin aragti ayaa lagu kala gartaa ee fadlan dhakhtar la xiriir.

Akhriso qoraal ku saabsan cabeebka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1092.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1092.0)