Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Honestboy on June 03, 2012, 01:29:16 PM

Title: Waa maxay Thyroid Glad ????
Post by: Honestboy on June 03, 2012, 01:29:16 PM
ASC mad waxey u sugnaatay ALLAAH kasokoow waxaan u mahad naqayaa dhaqaatiirta u taagan haqabtirka bulshada dhuunta ayaa leyga hayay in mudo ah dhaqtar baan u tagay dhaqtar kale ayuu ii tilmaamay wuxuu i dhahay iska soo baar Thyroid glad  dhuunta mararka qaar waxaad modoaa in lee ceejinayo mararka qaar waxaa moodaa in masas igu socdaan mararka qaarna xididada ayaa isoo baxayo hadda maalmahan waxaa isoo bararay carjawga ku yaalo dhuunta waxaan doonaayaa faahfaahin gaaban mahadsanidiin
Title: Re: Waa maxay Thyroid Glad ????
Post by: SomaliDoc on June 04, 2012, 07:23:39 PM
Qanjirka toroodhka wuu bararaa hadduu howlgabo ama hadduu shaqada badiyo labadaba, waxaa lagu kala gartaa calaamadaha uu qofku dareemayo.
Calaamadaha aad dareemeyso waa kuwa ay ka wada siman yihiin kuus walba oo dhuunta ka soo baxo, taas oo cadaadis samayso.

Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan qnajirka toroodhka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1443.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1443.0.html)

Haddii aad u baahantahay in lagaa daaweeyo xanuunkaaga waxaad la xiriirtaa takhtar aqoon u leh cudurkaaga si laguu baaro.