Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Barkhat on March 26, 2010, 05:22:03 PM

Title: Su'aal: mala daweeyaa sideese loola tacaalaa xanuunkan?????
Post by: Barkhat on March 26, 2010, 05:22:03 PM
Marka hore dhamaan waxaan salaamayaa dhaqtarada iyo howl wadeenada webkan somalidoc.com,
marka xigta waxaan uga mahadnaqayaa hawshan wanaagsan ee ay bulshada u hayaan oo runtii ah mid aad loogu baahnaa.
intaa ka bacdi waxaan doonayaa in layga caawiyo oo wax la iiga sheego xanuunka waswaaska loo yaqaan kaas oo  markaan dad badan dersey aan u maleeyey inuu shakiga ama khaakhaayiraada ka duwan yahay, caalamdihiisana  waxa ka mid ah ama dhibta uu igu hayo fara xal badan markaan wax qabto iyo welwel aan la aqoon waxaan ka cabsi qabo, iyo murugo markasta joogto ah iyo shaki aan iska dareemayo.
markaa waxaan doonayaa mala daweeyaa xanuunkaas xageese laga helaa DR ku takhasusay? su'aalahaas iyo wixii talo bixin ah ee aad ii haysaanba waan idinka sugayaa wixii information khaas ahna waxaad iigusoo hagaajin kartaan ciwaankan samaale143@hotmail.com walaal ii dedaala waan idinka war sugayaa waad mahadsantihiin.
Title: Re: Su'aal: mala daweeyaa sideese loola tacaalaa xanuunkan?????
Post by: SomaliDoc on April 02, 2010, 08:32:20 PM
Cudurkaan waa cudur ka mid ah cudurrada ku dhaca maskaxda wuuna leeyahay daawo waxaana loo tagi karaa takhtarka ku takhusasay cudurrada dhimirka (psychiatrist).

Cudurka waa : iladda Qofka Maskaxda Uga Taagan Oo sidoo kale loo yaqaan: OCD (Obsessive Compulsive Disorder)
Ciladda qofka maskaxda uga taagan (OCD) waa nooc ka mid ah wallaaca.
Haddii aad qabto OCD, oo aad qabtid, fakar soo noqnoqda oo murugo leh ee loo yaqaan walwal taagan.
Waxaad si soo noq-noqota isku daydaa isla wixii si aad isugu daydo in uu fakarka ku daayo. Tallaabooyinka soo noq-noqda waxaa loo yaqaan kuwo aad ku khasban tahay.

Tusaale ahaan fakarka kugu taagan waxaa uu noqon karaa cabsi aad ka qabto jeermiska ama cabsi aad ka qabto in lagu xanuujiyo.
Waxyaabaha aad ku khasban tahay in aad sameyso ayaa waxaa ka mid ah gacmahaaga oo aad si joogto ah u dhaqdo, in aad wax tiriso, alaabta oo aad iska eegto ama nadiifiso.

Haddii aan la daaweyn, OCD waxay la wareegi kartaa qaab nololeedkaaga.
Dadka wax darsa waxay ku fakaraan in dadka qaba OCD aysan maskaxdooda si fiican u shaqeynin.
Badanaa reerka ayaa isu gudbiya. Caadi ahaan waxay calaamaduhu billawdaan carruurnimada ama xilliga qaangaarka.
Caadi ahaan waxaa waxtar leh daawooyinka iyo nidaamka daaweynta ee isku jira.