Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Sakiin on July 08, 2018, 11:51:55 AM

Title: Su'aal: Dhibaato Araga ah?
Post by: Sakiin on July 08, 2018, 11:51:55 AM
Dr. waa wiil Jonior Doctor. Dr. waxaan jeclahay oo aan kaa codsanayaa inaad iga talo siisid gabar walaashay ah oo aad il looga hayo arageeduna zaa'id u lumay. gabadha yaraanteedi ayay isha midig trauma kaga dhacday. xiligaasi waxba sidaasi ah lagama qaban. hada ayay xaaladeeda sii xumaatay. xitaa weersho ayay sii noqotay. gabadha waxay joogtaa Gariza kenya oo ay dhakhaatiir dhowr ah kula kulantay. waxba sidaasi ahse kama qaban. sidoo kale allergic conjunctivitis ayay leedahay. marka anti allergic drops unbay u qoreen & protective glasses ay uga dan leeyihiin inaysan isha kale ee fiyow trauma kale ka gaarin.

MRI scan head ah xitaa way u direen saareen. resultiga ayaan kula wadaagayaa.

Sidoo kale ugu danbayntii warqad referral ah ayay gabar dhakhtarad ah oo Eye sergion ah u qortay.

Warqadana waan kula wadaagayaa.
Title: Re: Su'aal: Dhibaato Araga ah?
Post by: SomaliDoc on January 09, 2019, 09:37:10 PM
Waxaa muhiim ah in cilladda darteed loo soo xawilay in la ogaado si aan talo kaaga siiyo, dhaawacyada isha gaaro way saameyn karaan aragga, haddii murqaha indhaha kontaroolane ay wax gaaraan, qofku weersho wuu noqon karaa. marka talada xawilaadda ah qaata oo la xiriira dhakhtar specialist indhaha ah. caafimaad baan gabadha u rajaynayaa.