Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ibnu muhammad on August 31, 2015, 01:32:49 AM

Title: Su'aal: Wax iiga sheeg caafimaadka geedka DACARTA?
Post by: Ibnu muhammad on August 31, 2015, 01:32:49 AM
Sln kadib idinkoo mahadsan
waxaan rabay inaan wax ka ogaado geedka la yiraahdo DACARTA dad ayaa igu yiri gaaska ayay dawo u tahay ee arintaasi caafimaad ahaan maxaa laga yiri. Mahadsanidiin.
Title: Faaiidooyinka Caafimaad ee Geedka Dacarta
Post by: SomaliDoc on August 31, 2015, 09:24:17 PM
(http://somalidoc.com/Topics/dacarta.png)

Dacarta "Aloe Vera" waa dhir daaweed aad u qiimo badan oo ay dhakhaatiirtu isku waafqsan yihiin waxtarkeeda.
Dacarta waxay isku qabiil yihiin tuunta iyo basasha oo iyagane leh faaidooyin aad u badan.

Inkastoo dacarta loo adeegsado xanuuno iyo cillada kala duwan, waxaan rabaa in aan qoraalkaan ku soo aruuriyo wixii watar la hubo oo la rakay leh oo ku salaysan cilmibaaris.

Dacarta waxaa ku jirto illaa 200 oo maaddo waxtar leh oo ay ka mid yihiin fitamiinno, macaadin, borotiin, dheecaanno jirka u baahan yahay, carbohydrate iyo dufan.

Dacarta waxay daawada kaga jirtaa dhareeraha, waxaana dhareerahaas la qiyaasaa in la adeegsan jiray kumanaan sano ka hor oo ay qawmiyadu kala duwan aaminsanaan jireen waxtarkeeda.

Faa'idooynka dacarta waxaa ugu muhiimsan:

Dacarta waxyeello ma leedahay?
Dacarta lama cabo xilliga uurka, xilliga caadada, haddii aad Baabasiir (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,891.msg2589.html#msg2589) qabtid, haddii xameetida (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5490.msg14776.html#msg14776) ay jiran tahay iyo haddii beerka uu hawlgab yahay.

Qaabkee loo isitcmaalaa Dacarta?
Waa muhiim in aadan dareeraha dacarta aadan si toos ah u cabin iyadoo aan la soo marsiinin warshad ama la soo sifaynin, laakiin waad marsan kartaa maqaarlka, kalagoysyada.
Dacarta iyadoo cabitaanno laga dhigay ayaa lagu gadaa farmashiyada ama dukaamada qaar, haddii aad doonaysid in aad cabtid, waa in aad soo gadataa iyadoo la sifeeyay.

Halkaan ka akhriso qoraal aan uga hadalnay Dhirta Daawada Leh: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,794.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,794.0.html)

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid ku soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Su'aal: Wax iiga sheeg caafimaadka geedka DACARTA?
Post by: CilmiSabca on September 01, 2015, 01:40:48 PM
Dr. Dhinaca kale, Dacarta ma lagu daaweyn karaa xoolaha xanuunsan, gaar ahaan Digaagga?
Anigu waxaan arkay, geedkaan dacarta oo inta la jar jaray, digaag buka (oo war wareersan), biyaha loogu riday. Digaagga aan ka hadlayo waa digaagga guri-joogta ah ee Soomaaliya lagu dhaqdo. Mahadsanid.
Title: Re: Su'aal: Wax iiga sheeg caafimaadka geedka DACARTA?
Post by: Ibnu muhammad on September 01, 2015, 11:40:42 PM
Tolow cabitaankaas aad sheegtay DR ma laga helaa KENYA? Maxaana loo yaqaan magac ahaan?
Title: Re: Su'aal: Wax iiga sheeg caafimaadka geedka DACARTA?
Post by: SomaliDoc on September 02, 2015, 02:18:42 PM
Dr. Dhinaca kale, Dacarta ma lagu daaweyn karaa xoolaha xanuunsan, gaar ahaan Digaagga?
Anigu waxaan arkay, geedkaan dacarta oo inta la jar jaray, digaag buka (oo war wareersan), biyaha loogu riday. Digaagga aan ka hadlayo waa digaagga guri-joogta ah ee Soomaaliya lagu dhaqdo. Mahadsanid.

Waan ku faraxsanahay su'aalaha aad isoo waydiisid maadaam ay u badan yihiin waxyaabo caado dhaqan noo ah laakiin in asal caafimaad loo raadiyo ay muhim tahay.
Arrintaan aad ka hadashay oo ku saabsan digaaga lagu daaweeyo dacarta weli ma aanan maqlin laakiin markaan dib u baaray waxaan ogaaday in ay jiraan qowmiyadu badan oo dacarta ku daaweesto digaaga inkastoo ay badankood uga daaweeyaan xanuun digaaga lugahah kaga dhaco oo keeno in lugaha ay ka jeexjeexmaan ama qolfoof ka yeeshaan.

Waxaan kaloo arkay in dalka philippine ay digaaga siiyaan dacarta iyagoo biyaha ugu shiida si ay u naaxaan oo miisaan degdeh ah u yeeshaan, waana arrin lagu sameeyay cilmibaaris oo la arkay in digaaga dacarta la siiyo aya ka caafimaad badan yihiin digaaga kale.

Haddii aa intaa uga gudbo, maadaama aan horay uga soo hadlay in dacarta ay nafaqo leedahay iyo faaidooyin dhowr ah lama yaabayo haddii uu ka faaidaysto ama ku caafimaado noole aanan biniaadanka ahayn.
Title: Re: Su'aal: Wax iiga sheeg caafimaadka geedka DACARTA?
Post by: SomaliDoc on September 02, 2015, 02:45:21 PM
Tolow cabitaankaas aad sheegtay DR ma laga helaa KENYA? Maxaana loo yaqaan magac ahaan?

Waxaa loo yaqaanaa Aloe Vera Juice, ma garanayo in laga helo Kenya, laakiin ka raadi supermarket-yada waawayn ama warayso farmashiyada gado daawooyinka nutrition-ka & dadka takhasuska u leh "Nutritionists".