Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mohamoud waddani on January 08, 2019, 08:50:01 PM

Title: SU'AAL: DHIIGAYGA MARKAAN ARKO WAAN MIYIR BEELAA?
Post by: Mohamoud waddani on January 08, 2019, 08:50:01 PM
Asc Dr adiga iyo umadda somaliyeed e arki doonta qoralkayganba

Magacaygu waa foosi 27 jir ban ahay dhiigayga ama dhiiga waalidkay ama walaaladay marka aan arko dawakhaad saaid ah baan dareemaya ka bacdina waan suuxaya cabaar 20 minit meelahaas ah waan miyir maqanahay

Fadlan Dr,iyo umada somaliyeed e ciladahan hore u arkaw maxaan sameeya ila taliya
Title: Re: SU'AAL: DHIIGAYGA MARKAAN ARKO WAAN MIYIR BEELAA?
Post by: SomaliDoc on June 27, 2019, 07:29:06 PM
(http://somalidoc.com/Topics/dhiigarko.png)

Bismillah,

Waxaan casharkaan maanta kaga jawaabaynaa sababta ay dadka qaar markay arkaan dhiig ay u suuxaan ama miyir daboolmaan, cilladaasi waxaa afka qalaad lagu dhahaa "Vasovagal Syncope" waana qeyb ka mid ah habdhiska neerfaha jirka taasoo markuu qofka la kulmo wax uu dhibsanayo ay neerfahaasi si xawli ah u shaqeeyaan, kadibne qofka wuxuu dareemaa wadne garaaciisa oo yaraado, cadaadiska dhiigga oo hoos u dhaco, kadibne qulqulkii gaari lahaa maskaxda ayaa yaraado, qofkane sidaasi ayuu ku miyir daboolmaa.

Arintaani waa loo kala nugul yahay oo dadka isku wada mid ma ahan, dad ayaa adkaysi u leh dhiigga, dadne urka dhiigga ayay ku qasmaan oo ay ku miyir daboolmaan, dadne aragtida ayayba ku suuxaan. badanaa cilladaani wax dhib ah ma keento oo qofka badanaa daawo uma baahdo, waxyar kadibne qofka miyirkiisa dib ayuu u helaa.

Astaamaamaha la dareemo:
Qofka cilladaan qabo, marka hore wuxuu dareemaa wareer, kadibne lalabo, kadibne aragga oo daciifo, kadibne qabaw iyo dhidid badan, kadibne hamaansi iyo aragga oo mugdi galo, qofkane markaasi istaagga ayuu ka dhacaa hadduusan seexan ama fadhiisan. daqiiqad ka dibne wuu soo naaxaa. waa muhiim qofka markuu soo naaxo in aan horay laga istaajin sababtoo ah jirka wuxuu u baahan yahay dhowr daqiiqo si cadaadiska dhiigga u saxmo, haddii kale qofka mar labaad inuu suuxo 15 daqiiqo gudahood ayuu halis ugu jiraa.

Maxaa ka mid ah waxyaabaha kale ee keeno?
Waxyaabo badan ayaa keeno suuxdinta nuucaan ah, waxaa ugu caansan kuleelka saa'idka ah, aragga dhiigga, dhiig-shubidda, dareemista halis dhaawac iyo daalka xad-dhaafka ah.

Sidee looga hortagaa suuxdintaan?
Markaa dareentid astaamaha cilladaan ee kor ku xusan, waxaa qofka lagula taliyaa inuu dhabarka u seexdo, lugaha kor u qaado si qulquulka dhiigga uga kala joogsan maskaxda, sidaasne suuxdinta uga badbaadid.

Ogow ma jirto daawo looga hortago arintaan ama loo qaato, laakiin qofka wuu caadaysan karaa, wuuna la qabsan karaa aragga dhiigga hadduu dhowr jeer la kulmo, waxaana arintaan badanaa lagu arkaa ardayda caafimaadka baranaysa, kuwaasoo badanaa dib dambe la qabsada oo caadi noqdo.

Wixii faahfaahin ah oo aad u baahan tahay hoos noogu dhaaf ama noogu soo dir boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)