Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ahmed_Carab on July 02, 2018, 08:52:58 PM

Title: Su'aal: Maxay tahay sababta dooliga loogu tijaabiyo?
Post by: Ahmed_Carab on July 02, 2018, 08:52:58 PM
Asc .. bahda SomaliDoc .. aadaa u mahadsan tihiin.

Su'aal baan qabaa waxeyna tahay:
• markii tijaabo cusub oo caafimaadka la xariirto lasameenaayo maxaa loogu tijaabiyaa jiirarka (dooliyada) iyo bakeyle-yaasha?
• Sidoo kale daawo cusub markii lasoo saaro maxaa loogu tijaabiyaa isla jiirarka iyo bakeyle-yaasha?
• Maxaa jira meelo ay iskaga ekyihiin bini'aadamka iyo labadaas xayawaan?
Title: Re: Su'aal: Maxay tahay sababta dooliga loogu tijaabiyo?
Post by: SomaliDoc on January 07, 2019, 04:29:56 PM
Doolliga wuxuu ka mid yahay xayawaanada sida sahlan loo bacrimin karo ama u tarmi karaan, habdhiska jirkiisane ka agdhaw yahay bini'aadanka, xanuunada dhaxalka ku yimaado iyo kuwa maanka ku dhaco doolliga si sahlan ayaa cilmibaaris loogu samayn karaa, astaamaha bini'aadanka uu dareemo sidoo kale doolligane waa lagu arkaa, laakiin dooli kasta ma ahan waa nuuc ka mid ah kaasoo loo yaqaano "Mus musculu" ama doolliga shaybaarka "Laboratory Mice".

Sidoo kale bakaylaha waxaa loo adeegsadaa cilmibaarista la xiriirta ammaanka daawada, tijaabinta qalabyada caafimaadka, waxaa kaloo badanaa lagu tijaabiyaa daawooyinka maqaarka iyo indhaha loo adeegsado, shirkadaha qaarne waxay ku tijaabiyaan alaabta la warshadeeyay ee guryaha loo isticmaalo.

Farqiga labadoodu u dhaxeeyo waa inaan la ogolayn in tijaabada lagu samaynayo bakaylaha inaysan noqon mid dili karta, laakiin xanuun ku ridi karta, laakiin doolliga dhib ma lahan haddii lagu tijaabiyo wax dili kara.