Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Qays on December 06, 2011, 11:17:03 AM

Title: Su'aal: Maxaa sababa cudurka Stomach Cancer?
Post by: Qays on December 06, 2011, 11:17:03 AM
Asc waan idin salaamay walaal
salaan ka dib waan u mahad celinayaa dhakhaatirta isku howshay inay dadkooda caawiyaan
intaa ka dib waxaan jacelahay inaan wax ka ogaado waxa sababa cudurkan stomach cancer or cacinoma
Title: Re: Su'aal: Maxaa sababa cudurka Stomach Cancer?
Post by: SomaliDoc on January 06, 2012, 08:22:12 PM
Kaankarada ku dhacdo caloosha waa noocyo kala duwan lamana garanayo waxa keeno kaankaradaan laakiin waxay takhaatiirtu sheegaan in ay jiraan waxyaabo dhowr ah oo qofka halis u keeni karto ama ugu nuglaan karo cudurka kansarka caloosha sida:
1- In ay jirto xiriir qoys la leh cudurka kansarka caloosha oo dad qoyska ka mid ah uu ku dhacay.
2- Dadka qaar oo qabo caabuqa bakteeriyada loo yaqanno "Helicobacter Pylori" oo ah bakteeriyo ku dhacdo caloosha oona keento gaastarikada caloosha.
3- In lagaa qalay hadda ka hor fiix ka soo baxday caloosha kana wayn 2 cm.
4- In xuubka caloosha uu baa'bo muddane uu saa ahaado.
5- In qofka uu qabo dhiig yarida loo yaqaanno "Pernicious Anemia" oo ah in jirka ku yaraado fitamiinka B12 .
6- Dadka sigaarka aadka u cabo.

Hadii aad isku aragtid calaamadahaas qaar ka mid ah, waxaa dadka kale kaga nugushahay in mid ka mid ah kansarrada caloosha ku dhaco.

Claamadaha uu leeyahay kansarka caloosha waxaa ka mid ah:
1- Dibbiro iyo caloo xanuun
2- Dhibaato wax liqis taasoo ka sii darayso xilliba.
3-  Daaco badan oo joogto ah
4- Caafimaadkaaga oo ka sii daraayo maalinba maalinta ka dambayso
5- Appetite-ka oo hoos u dhaco
6- Lalabo iyo matag
7- Caloosha oo si dhakhso ah ku buuxsanto cunnada ka dib
8- Dhiig oo la matago
9- Tabardarri iyo daal
10- Miisaanka oo is dhimo.