Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Khaalid Yusuf on November 23, 2016, 12:27:29 AM
-
ASC waxan salaamayaa dhamaan dhakhaatiirta. waxan ahay nin xaas leh sadex sano inkasta oo an meel wada joogin sadex jeer ayan is aragnay mudo bil ama laba bilood aan ka badneen oo wali wax isuma dhalin baaritaan shahwo oo sameeyey waxay natiijada soo baxday ok oo dhakhtarku igu dhahay.waxaa lasocda qoraal english ku qor oo aan aad u fahmin natiijadu sidan ayey aheed, Gross Appearance ----------------Opaque Colour semen----------------------whitish Coaqulation & liquification--------20--------0.0--60 -------minutes PH semen---------------------------8---high--7.2-----7.8 Volume-----------------------------2.3--------1.5-----5------ML Motility within 60.------------------53------->=50 Semen count----------------------49--------20-----200-----x10--6/ML Morphology-----------------------50---------normal---->=50 Spermatids----------------------8-----------12 Amorphous-----------------------2-------3 pin head occasional Giant head occasional Remark- normally sperms are pear shaped heads widh long and single tails. inta waxuu ku daray qoraalka oo an fahmi waayey comment result interpretation------- immatured,round, amrophous headed spermatazoa and few pus cells seen fadlan qoraalkan commentga u ka bixiyey iyo natiijada sida ay u dhigantahay ii soo faahfaahiya iiso turjuma alle ha idin xafido AMEN.
-
Hadalka dambe ee la raaciyay ma ahana wax badalayo natiijada guud, mana hor istaagi karto in ay xaaskaaga uur kuu qaado.
Haddii aan ku tarjumo hadalka kooban waa sida: (shahwada waxaa ku jiro qaar sperms-ka ka tirsan oo aan weli qaan gaarin ama bislaanin oo madaxooda wareegsan yahay (sida caadiga madaxa sperm-ka wuu dhuuban yahay), waxaa kaloo shahwada ku jiro unugyo yar oo tilmaamayo inuu infekshan jiro.)
Waa laga yaabaa inuu dhakhtarka kuu qoro daawo qallajiye ah si infekshanka yar ee la arkay looal tacaalo, laakiin waxyaabaha kale ma istaahilaan in daawo laguu qoro, iyagaana dib isku sixi doono.
Akhriso qoraal kuu faahfaahin doono baaritaankaan iyo waxa laga wado mid walba: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3040.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3040.0)