Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ifraax on May 29, 2009, 12:40:07 PM
-
Asc su aasheeda waxaa waye sidee oogu fican oo la iskugu galmooda marka ad dooneeso in ad uurqado
-
Waa Mahadsantahay Ifraax, Horta ma jirto qaab ama si gaar ah oo markii laysu galmoodo uur imaanayo,balse waxa jira waqtiyo ama xilliyo ay kordheyso in markii laysu tago uur yimaado.
Waxaase ka horreysa inay jirto marka hore wada-tashi ku aadan labada is qaba, inkastoo soomalida raggooda ama odayaashii hore ay rumeysnaayeen in markii islaantu dhiiga-caadada ka meyrato ay diyaar tahay inay uur qaadayso, laakin taasi waa fikir qaldan, waayo wax ugxan ahi ma sameysman xilligaas.
Caadada markay dhamaato hal asbuuc ka dib, maalinka 7aad, ukuntu way joogtaa, waxana macquul ah waqtigaa inuu uur yimaado, sidoo kale maalinka 14aad oo ay ukuntu kala bar ku dhowdahay, ugu danbeytiina Maalmaha ka danbeeya 20-ka, weliba 25-ka, intaasi wixii ka danbeeya ugunta way soo baxdaa. ka dibna waxa yimaada, dhiiga loo yaqaan (Xeydka).
-
Asc wr wb. Waad mahad santahay Dr Sharbele sida aad wax igu faleysay waan fahmay.
Su asha kale oo aan qabo waxaa waye dr markii la isku galmood ka dib oo aan sariirta sii sarnado ilaa sacad camal sida ey shahwada u garto labada dhun o ku dhagan minka. Lakin sacad kabacdi markii aan is dhaho wey gartay shahwadii oo sideeda ah ayaaba bananka u soo baxee mana garanayo wax u sabab ah taas ma iga jahli bixin kartaa hadii ad awoodo mahad sanid asc
-
Taasi wax dhib ah malahan, waxa la rabo in ay hawl qabtaan oo meel gaaraanne maahan qoyaanka aad dareemeyso ee waa wax isha aysan arki karin laguna magacaabo "Xaw" (Sperm).
Waana wax iska caadi ah uurkane inuu dhaco iyo inuusan dhicin kuma xirna.
-
asc/ doctor "waxaa jira kaniini eey isticmaalan raga kaniinigas oo ah mid weyneya ama balariya xubinta taranka eeraga marka kaniinigaas magaciisa yaan rabaa adigo mahadsan maxayeelay waxan rabaa in aan ka ilaaliyo kaniinigaas kaas oo keenikara qatar xaga minka ah
-
Kaniiniga Sildenafil ama loo yaqaano "Viagra" waxaa daawo ahaan loogu isticmaalaa hawlgabka kacsiga laakin maahan daawo xubinta balaarisa oo minka dhib u keeni karta wuxuu xubinta ragga ku saacidaa in qulqulka dhiigga uu joogteeyo kaliya.
-
Asalaamu caleeykum
anigoo halkaaan wakhtiga ka faa iidaysanaya
su,aasheeda waxa weeye Viagra muxuu yahay maxaa kamid ah faa idooyinkiis
ma wakhtiga buu badiyaaa Xiliga galmada
hadii aan is ticmaalo ama aan badsado isticmaalkiisa dhibaato inteee buu leeyahay
fadalan iga jaa hil bixiya dhakhaatiirooooooow
-
Viagra waa kaniini dabciya murqaha, sare u qaadane qulqulka dhiigga ee xubinta ragga.
Viagra waxaa lagu daaweeyaa kacsi laáanta (Erectile dysfunction)
Viagra waxaa kalooo lagu daaweeyaa xaalado kale.
Talo:
Ha qaadan viagra haddii aad qabto wadna xanuun ama aad qaadato daawada loo yaqaanno "Nitrates".
Wuxuu kuu keeni karaa faalij, dhiig-kar ama wadnaha oo istaago.
Weligaa hal mar ka badan maalintii ha qaadan daawadaan.
Viagra wuxuu kaloo lumin karaa aragtida madaama uu socodka dhiigga ee indhaha uu yareeyo.
Viagra wuxuu u daran yahay dadka qaba kaadi macaanka, kolestaroolkooda sarreeyo, ama dhiig kar qabo.
Inta aadan qaadan viagra kala tasho takhtar ama u sheeg dhibaatooyinka aad qabto oo dhici karto in uu halis ku tahay daawadaan.
Waxa aad u sheegeysid dhakhtarka waxaa ka mid ah:
-Dhiigkar
-Sonkorow
-Hawlgab wadne
-Xanuun beer
-Xanuun kelli
-Dhibaato dhiigbax
-Gaastiriko
-Indho caad
-Dhibaato xagga galmada
Haddii aad qaadatid daawadaan xilliga galmada waxaa dhici karto in aad dareento wareer, lalabo, xanuun, kabuubyo ama xatxato feeraha iyo gacmaha ah, jooji daawada dhakhtarne u waco ama isbitaalka aad.
Haddii aad isku aragto guux dhegaha ah, wadno garaac, madax xanuun, xasuus lumis, suuxdin, jooji daawada isticmaalkeeda.
Haddii aad qabto suáalo dheeraad ah soo weydii
SomaliDoc
-
asc
waad mahadsantahay dr laakiin su,asheda wali maadan safiiican oga jawaabin
hadii aan ku celiyo su,aasheeda waa labo su,aal
kiniiga veegrah ma xubinka taranka ninka buu wakh tiga kordhiyaaa??
mideeda labaad ..hadii aan isticmaalo habeenka uhoreeya aan aqal galoyo ... si aan oga raadiyo firfircooni iyo ciyaar kulu habeenkaas baan is ticmaalay iyo habeenkii ku kuxigay /
wax dhib ma iii keeni karaa halkaas habeeen .. dhibkase ma dhib ween baa mise waa dhib yar????
waad mahadsantihiiiin
-
asc
waad mahadsantahay dr laakiin su,asheda wali maadan safiiican oga jawaabin
hadii aan ku celiyo su,aasheeda waa labo su,aal
kiniiga veegrah ma xubinka taranka ninka buu wakh tiga kordhiyaaa??
mideeda labaad ..hadii aan isticmaalo habeenka uhoreeya aan aqal galoyo ... si aan oga raadiyo firfircooni iyo ciyaar kulu habeenkaas baan is ticmaalay iyo habeenkii ku kuxigay /
wax dhib ma iii keeni karaa halkaas habeeen .. dhibkase ma dhib ween baa mise waa dhib yar????
waad mahadsantihiiiin
Waan kaaga jawaabay suáasha 1-aad;
Viagra waa kaniini dabciya murqaha, sare u qaadane qulqulka dhiigga ee xubinta ragga sidaa darteed ayuuna u dheereeyaa waqtiga galmada.
Suáasha 2-aad:
Lama sheegi karo in dhib uu kuu keenayo iyo in kale, laakiin haddii aad isku aragto calaamadaha aan kuu sheegay dhib ayuu kuu keenay.
Mahadsanid
SomaliDoc
-
Asc
waad mahasantahay sida fiican aad iiga jawaabtay
thanks
-
Su,aaal
hadii aaaanisticmaalo kalyaha wax dhib ma kukeenikaraaa?/
shuran
-
Waxaan filayaa in aan kor ku soo sheegay in dhibaatooyinka kaniinigaan ay saameyn karaan kilyaha.
mahadsanid
-
waad mahasantahay
su.aal kale meeqa saac bay shaqadu soconkartaa markii aan kiniiga isticmaalo?
2. hadii aan 2xabo hal mar liqo kwaran wax dhibaato ma iii keeni karaaaaa>.
3. dumar ka ma is ticmaali karaan kiniiga si labada ruuux ay ubadansadaan wakhtiga
mahsanidin
-
Waxaa kaniiniga isticmaalo ragga midda kale qaabka aad u isticmaalaysid kala tasho qofka kuu qoray
-
waxa jira kiniin la dhaha ( intrinsa) waxay siyaadisaa level testosterone in womens blood N:B Intrinsa will initially be available only on prescription for post-menopausal women diagnosed with sexual problems.
sido kale hysterectomy.
-
waxa jira kanin la yirahda Intrinsa waxa istiqdama haweynka wuxu siyaadiyaa level o testosterone in a woman's blood and available only on prescription for post-menopausal women diagnosed with sexual problems and hysterectomy.
-
thx naira 4 these information but actually this medicine is new and is not availble in the markets of most countries and it's side effects are not cleary known yet .
-
ASC/ dhamaan wad salaamantihiin dhaqaatiirta webkaan somalidoc.com
itaaka kadib ma jirtaa kaniinI u dhereeya waqtiga xiliga galmada haweenka?
sida hadaba aad u soo sheegteen midka raga oo ah (Viagra )marka majiraa isaga oo haweenka u gaar ah madama uu kan raga u gaaryahey ?
MAHADSANIDIIN,
-
Walaalayaal suáalaha wixii qofka muhiim u ah in halkaan lagu weydiiyo si looga wada faaideysto ayaan ugu tala galnay laakiin maahan in suáalo aan macno laheen waqti la isaga lumiyo.
Maxay tahay baahida ay haweenka u qabi karaan daawada noocaan ah oo waqtiga dheereenaayo sida aad sheegeyso?