Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Afrax on February 02, 2011, 11:53:41 PM
-
Asc walalaha mudan sharafta. geesiyaha u istaagay daryeelka dadkooda. Walalayal waxan mudu kacabanaayay xanuun iga soo bilawday mindhicirka iyo xaniinta mudo hada laga joogo 5sano waxaa dictoore xanuunka iiga badanyahay xaniinta bidix taasi oo ibarartay waxana kujira waxaad moodo murqo waa weyn kuwasi oo xanuun igu haaya marka aan socdo .mida kale dhaqtar waan u tagay dhowr jeer daawoyinki uu íi soo qoray waxba ilaa hada isagama garan marka walalayaal waxan jeclaan lahaa inaad iiga soo jawaabtan su aasheyda .mahadsanidiin
-
Xanuunka xaniinyaha ama qooraha waxaa keeni kara dhowr xaaladood oo ay ka mid yihiin:
1- infakshan ku dhaca qooraha, qanjirka prostate iyo xarigga epididyms.
2- Dhaawac jug hore
3- Bararidda xididda qooraha (Varicocele) - waxaad dareemeysaa in burtuq-burtuqyo ay qooraha darbigiisa ku sameysmeen.
4- Sheelada (Hydrocele) - waxaad daremeysaa barar sidii in ay biyo ku jiraan oo kale.
5- Marjiska xaniinyaha (Testicular torsion) - wuxuu yeelan kara barar oo wata xanuun saaid ah.
6- Eernada qooraha - waa barar xanuun mar mar wata laakiin yaraan kara ama noqon kara markaad jiifatid.
Waxaan u baahannahay faahfaahin dheeraad oo ku saabsan xanuunkaada si loo kala sooco waxyaabaha keeni kara.
Waxay u egtahay calaamdaha aad sheegeyso in eerno ama barar xidida qoorah ay yihiin waxa aad ka cabanayso laakiin waxaad ka jawaabtaa su'aalahaan soo socda:
Bararka marmar ma yaraadaa ama baaba'aa?
Markaa qofacdid ama wax culus aad qaadid bararka ma kordhaa?
Haddii aad jiifsatid bararka ma baaba'aa?
Bararka ma wax ka soocan xaniinta oo aad qaban karto?
Xanuunka aad daremeyso goormuu bilawday mise bararka ayuu la socday?
Bararka ma sii kordhayaa mise waa sidii 5 sano ka hor uu ku bilawday?
Mahadsanid
-
Asc walaalayal waa ku mahadsantahiin faahfaahinta mida kale su aalihii jawabtooda waa kuwaan.
(1) su aashii aheyd bararka mar mar ma baa ba aa markaad qufacdid ama wax culus aad qaadid bararka ma kordhaa? Haa wuu weynaadaa.
(2) hadii aad jiifatid bararka ma baa ba aa? Haa waa yaraadaa.
(3) bararka ma wax ka soo canaa xaniinta oo aad tabankarto ? Waa wax ka soocan
(4) xanunka aad dareymeyso guurmuu bilawday mase bararka ayuu lasocday. Xanuunka ayaa horeeyay oo ka bilawday mindhicirka .
(5) bararka masii kordhayaa mase waa sidii uu shansano kahor uu ku bilawday ? Waa sii kordhayaa inkastoy labadii sano oo ugu danbeysay ay aad ii xanuuneysay. Mahadsanid
-
Cudurkani waa eerno daawadiisuna waa qalliin kaliya, kaniini laguu qoray waxba kama tarayo ee la xiriir takhtar cilmiga qalliinka aqoon u leh.
Qoraal ku saabsan cudurka eernada qooraha halkaan ka dajiso: EERNADA QOORAHA (http://somalimedicalcharity.org/resources/Eernada.pdf)
-
Asc walalayal waxan idinkaga mahadcelinayaa qaabka aad su aasha iiga soo jawabten gar ahaan dr mahdi mida kale dictore waan qadanayaa taladaada ah inan laxariiro dhaqtar ku taqasusay qaliin mahadsanid dictoore.
-
Asc walalayal waxan idinkaga mahadcelinayaa qaabka aad su aasha iiga soo jawabten gar ahaan dr mahdi mida kale dictore waan qadanayaa taladaada ah inan laxariiro dhaqtar ku taqasusay qaliin mahadsanid dictoore.
waxaan kaala talin lahaa inta aad kaheleeso takhtar ku takhasusay qaliinka in aad iska jirtid qaadista waxyaaba culus , jimicsiga, ciyaaraha sida kubada , basketka.......... iwm.
-
Asc dr mahdi salan kadib aad iyo aad ayad umahadsantahay . Dr. Runtii waxan hada ku hor ku weydiyay su aal ku saabsan cafimadkeyga waxadna ishegtay inan qabo eerno aana u bahanahay qaliin kadib dhaqtar ayaan utag wuuna iqalay alxamdulilah wuu ku guuleystay. kadib dictore waxan daremaya xanuun xaga mindhicirka iyo bogga. iyado marka ay ixanunan aan daremayo in xaninta iyana ay ixanuneyso.teda kale xaninta murqihi ku jiray wali waa ku jiran inkastoy sidi hore aysan ii xanuneyn. Dr waxan kasuga talo. By.
-
Wixii aad dareento oo isbadal ama xanuun ah qalliinka ka dib waxaa habboon in aad la xiriirto takhtarkii ku qalay maxaa yeelay wax saa u weyn oo lagaa fahmi karo ma jiraan in dhibka aad sheeganayso uu la xiriiro qalliinkii iyo in kalaba.
Waana ku faraxsanahay in taladeennii aad ku faaiday.
Caafimaad ayaan kuu rajaynaynaa.