Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Barkhat on December 13, 2009, 01:50:05 PM

Title: Su'aal ku saabsan luqunta ama mergiyada?
Post by: Barkhat on December 13, 2009, 01:50:05 PM
Asc walaal bacda salaan waxaad ii sharaxdaan su’aashan oo ah luqunta iyo mergiyada oo I xanuuna markaan is idhaahdo dhinacyada eegna waxaan dareemaa damqasho weliba markasta waxaan doonayaa in aan tuutuujiyo oo gacanta ku duugduugo waxaan kale oo dareemaa marka aan qoorta dhaqdhaqaajiyo sanqadh weliba waxaad moodaa sanqadhaas in laba lafood laysku xoqayo sidii wax dhareerkii ka dhamaaday oo kale,

Waxaana isticmaalaa oo la ii qoray  dawooyin neerfayaasha ah kuwaas oo ay ka mid yihiin Amitriptyline iyo haloperidol iyo artane 5mg,

Markaa waxaan doonayaa inuu xanuunkaas dawada la iigu qorey keeni karo calaamadahaas aan kor kusoo sheegay iyo inay laba xanuun kala yihiin,

N B
Yaan loo qaadan inay dawada aan isticmaalaa calaamadan igu keentay ee dawada ka hor ayaan calaamadahan isku arki jiray oo luquntu I xanuuni jirtay sanqadhaas aan soo sheeqayna isku maqli jiray markaan dhinacyada eego.

Waad mahadsantihiin dhamaantiin 100%
Title: Re: Su'aal ku saabsan luqunta ama mergiyada?
Post by: SomaliDoc on December 21, 2009, 07:37:00 PM
Meeqo sano ayaa jirtaa?
Daawooyinkaas ma waxaa laguugu qorya qoor xanuunka kaliya mise?
Title: Re: Su'aal ku saabsan luqunta ama mergiyada?
Post by: Barkhat on December 22, 2009, 11:23:52 AM
walaal waxaan jiraa 26 sano dawadan aan isticmaalo waxa la iigu qoray xanuun ay ka mid yihiin calaamadihiisa shaki iyo murugo ka dibna dhakhtar aan la xidhiidhay ayaa ii qoray dawooyinka aan waraaqda hore kusoo xusay laakiin qoor xanuunka aan hada ka cabanayo wax dawo aH LA iigama qorin waad mahadsantihiin
Title: Re: Su'aal ku saabsan luqunta ama mergiyada?
Post by: SomaliDoc on January 04, 2010, 09:27:48 PM
Waa inaad la xiriirtaa takhtar si raajo lagaaga saaro luqunta?