Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Eng Khalid on July 19, 2016, 08:33:13 PM

Title: Su'aal: Maqaarka Cagaha hoostoda?
Post by: Eng Khalid on July 19, 2016, 08:33:13 PM
ASC . Waxaa mudo 3 sano igu yaalay nabro xaga caga hoostooda. Markaan Dhakhtar utagayna wuu ibaadhay. waxaanu igu sheegay Xasaasiyad oo kaliya Dawooyin kii iyo Goomaatoyinkii waxaba igama tarin. waxay na lamidtahay warbixintaadii hore aan akhristay oo ah {{Caabuqa Fangaska ee Faraha Cagta Gala}} ayuu ka bilawday markii hore xaaladeeda

Hada labada lugood way ku sii fidayaan Xanuunkii. lakiin markaan mariyo Goomaatada Energy ga way yara baaba'an lakiin mid meesha kabaxaya maahan, Waxaa kaloo jirta labada Gacmood ama calaacalood ayaan ku leeyahay iyagoo yar yar ama aan badneen.

Suaal:
1. Xanuunkan Muuxuu ka yimaadaa?
2. Maxaan ku Daween karaa ?

Mahadsanidiin Dhamaan Dhakhaatiirta
Title: Re: Su'aal: Maqaarka Cagaha hoostoda?
Post by: SomaliDoc on September 16, 2016, 09:02:12 PM
Waxay u baahan tahay in la arko waxyaabaha aad ka hadlaysid, cudurrada maqaarka way isku ekaan karaan, waxaana lagu kala gartaa aragti, Fadlan la xiriir dhakhtar ku takhasusay cudurrada maqaarka.