Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Raaliyo on July 02, 2010, 09:37:49 PM

Title: Su'aal: Qof afar jeer la qalay ilmo kale a dhali karaa?
Post by: Raaliyo on July 02, 2010, 09:37:49 PM
A/S dhamaan bahda somali doctor walalayaal waxaan rabaa inan idin weydiiyo suashayda oo ah hadii qof lagu soo qalay afar ciyaal ma dhali kartaa ilmo kale imisa jeerbaase la ogol yahay qaliinka madama afar jeer oo hore lagu soo qalay waxaan rabaa wixii tafatiir bal inaad naga siiso  dhaqtar.
                                  

                                                                   thankx


Title: Re: Su'aal: Qof afar jeer la qalay ilmo kale a dhali karaa?
Post by: SomaliDoc on July 05, 2010, 11:00:01 PM
Hooyadu waa lagu qali karaa caruur badan haddii ay dooneyso laakiin waxa takhaatiirta ay kula taliyaan hooyada in ugu badnaan 3 ama 4 qaliin ay u tahay mid nabdoon lakiin wixii ka badan ay halis caafimaad ku ahaan karto iyada iyo dhallaankeedaba.

Sidaa awgeed waxaa lagula taliyaa hooyada la qalay in dhalmada ay kala fogeyso oo 2 sano ugu yaraan u dhaxeysiiso 4 qalliin ugu badnaane aysan samayn, laakiin haddii ay hooyadu uur qaaddo 4 qalliin kadib waa lagu qalayaa.