Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: GEEDOOW on February 14, 2011, 07:24:06 PM

Title: SU'AAL HIMADA KU SAABSAN
Post by: GEEDOOW on February 14, 2011, 07:24:06 PM
ASC WR WB.
1-WAXAA CAADI AHAYD SIDAAN ARKI JIRNAY IN RAGGA MARKUU HURDADA UU KA SOO TOOSO ISAGOO EEY TAAGAN TAHAY, KACSAN TAHAY XUBINTA TARANKA, TAA MACNAHEEDA MAXEEY TAHAY ? HADII UUSAN ARKIN ARIMAHAAN UU HORAY U ARKI JIRAY MAXAA ISBEDELAY ? 2- NIN NAAG RABAY IN UU U GALMOODO AYAA MARKUU TAATAABTAY JIRKEEDA OO UU BILAABANAYEY KACSIGA ISAGOO SI FIICAN EEYAN U ISTAAGIN XUBINTIISA TARANKA,U KACSAN EEY HOREY UGA SOO BOODEEN BIYIHII, DIBNA UMA UUSAN HAWEYSAN GABADHII,MARKA CUDUR NOOCEE AH AYAA LAGU SHEEGI KARAA NINKAAS ? BAARITAAN NOOCEE AH AYAA LOOGA BAAHAN YAHAY INUU MARO AMA UU SAMEEYO NINKAAS .
WAADMAHADSAN TIHIIN .
Title: Re: SU'AAL HIMADA KU SAABSAN
Post by: SomaliDoc on February 14, 2011, 09:05:16 PM
Xubinta oo kacdo markii hurdada ay ka soo toosaan ragga waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa: "nocturnal penile tumescence" inkastoo aan si buuxda cilmi baarayaasha aysan u ogeyn sababta ay xubinta ragga u kacsanaato xilliga ay soo toosaan laakiin waxaa jira dhowr sababood oo loo malaynayo.
Midda hore oo ah in kaadiheysta oo buuxdo ay keensato in xubinta ay kacsanaanto markaasoo qofka badanaa u baahdo inuu soo kaadiyo.
Fikrad kale waxay leedahay in xubinta aysan inta qofka uu jiifay aysan helin dhiig oxygen leh oo ku filan taasoo markuu qofka hurdada inuu ka soo kaco bilaabo uu dhaqdhaqaaq sameeyo ay xubintii dhiig badan ku soo qulqusho taasoo keensato inay kacdo.
Fikrad kale ayaa waxay leedahay in qofka uu riyoodo ama kacsado inta uu jiifo ayaa keensan karto in qofka uu ka soo kaco markaasne uu la kulmo xubintiisii oo kacsan.
Waxaa laakiin la isku raacsanayahay in kacsanaantaan aysan ahayn kaliya marka qofka uu hurdada kasoo kaco ee xitaa inta uu hurdo ay xubinta ay kacsanaanto dhowr daqiiqado ama saacado dhowr jeer habeenkii.

Su'aasha labaad waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa caafimaad ahaan: "Biyo-bax dagdag ah"
Halkaanne ka akhriso qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2121.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2121.0)