Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Haweenka => Topic started by: SomaliDoc on January 07, 2008, 09:30:11 PM

Title: Kaadi Sonkorowga Waqtiga Uurka
Post by: SomaliDoc on January 07, 2008, 09:30:11 PM
Hadii aad kaadi sonkorow qabtid, jirkaagu si habboon uma isticmaali karayo cuntada aad u cuneysid inaad tamar ka heshid. Markaad kaadi
sonkorow qabtid waqtiga uurka, waxaa loo yaqaannaa kaadi sonkorowga ilmuhuna uurka ku korayo.

Markaad cunto cuntid, jirkaagu wuxuu cuntada u jajabiyaa qaab tamar ah oo loo yaqaanno glucose. Glucose waa erey kale oo loo isticmaalo sonkorta.

Glucose-tu waxay aaddaa dhiiggaaga ka dibna sonkorta dhiiggaaga ayaa kor u kacda.

Insulin waa hoormoo ay samayso xammeetidaadu (Pancreas). Waxay caawisaa in glucose-tu dhiiggaaga ka dhaqaaqdo ayna aaddo unugyada jirkaaga si markaas jirkaagu uu ugu isticmaalo tamar. Ma noolaan kartid insulin la?aan.

Kaadi sonkorowga inta aad uurka leedahay
Kaadi sonkorow adigoo qaba, adiga iyo ilmahaagu ma heleysaan tamarta aad uga baahan tihiin cuntada aad cuneysid. Dhiig sonkortiisu sarreyso waqtiga uurka wuxuu noqon karaa mid waxyeello adiga iyo ilmahaagaba idiin keeni kara. Waxaa lagaa baari doonaa dhiigga si lagaaga hubiyo heerka glucose.

Haddii aan la daaweynin, kaadi sonkorowga ilmuhuna uurka ku jiro waxay keeni kartaa:
# Ilmo ballaaran, oo keeni kara dhibaato dhalmo
# Cillado dhalmo
# Dhiig sonkortiisu hooseyso ee ilmahaaga dhalashada ka dib, taasoo aan u fiicneyn ilmahaaga
# Dhibaato neefsasho ee ilmahaaga

Calaamadaha
Waxaa laga yaabaa inaadan calaamado lahaanin oo ah in sonkorta dhiiggaagu uu sarreeyo. Weydii dhakhtarkaaga wax ku saabsan baaridda glucose-ta waqtiga uurkaaga.

Daryeelkaaga
Hadafku waa in sonkorta dhiiggaaga la xakameeyo. Dhakhtarkaaga ayaa si hooseysa ula socon doona uurkaaga iyo ilmahaba.

Haddii aad qabtid sonkor dhiig oo sarreysa:
# Cun cunno si wanaagsan isugu dheellitiran. Nafaqo-yaqaan ama kalkaaliso ayaa kaa caawin doona inaad qorshaysatid cunto xaddidan.
# Maalin kasta jir-dhis samee.
# Iska hubi sonkorta dhiiggaaga isla markaana qor. Waxaa lagu bari doonaa inaad iska baartid sonkorta dhiigga adigoo isticmaalaya mitirka
glucose-ta.
# Waxaa laga yaabaa inaad u baahatid inaad isku durto insulin. Haddii ay sidaas tahay, kalkaaliso ayaa ku tusi doonta sida taas loo sameeyo.

Caafimaadkaaga ka dib marka ilmahaagu uu dhasho
Marka ilmahaagu uu dhasho ka dib, sonkorta dhiiggaagu waxay u badan tahay iney caadigeedii hore ku noqoto. Sonkorta dhiiggaaga waxaa la baari doonaa 6 toddobaad ka dib markaad joojiso naas nuujinta.

Haweenka qabay kaadi sonkorowga ilmuhuna uurka ku jiray waxay leeyihiin xaddi sarreeya ee ah kaadi sonkorowga Nooca 2 goor danbe oo
noloshooda ah. Yaree khatartaada adigoo ku jiraya miisaan caafimaad leh, jir-dhis, cuntooyin caafimaad lehna cunaya. Sonkorta dhiiggaaga ha lagaa baaro ugu yaraan hal mar sanadkiiba ama sida dhakhtarku uu yiraahdo.

SomaliDoc