Somali Medical Forums

General Discussions => Feel Free Here => Topic started by: Terror man on May 26, 2009, 01:54:15 PM

Title: Dhacdo la yaab ah
Post by: Terror man on May 26, 2009, 01:54:15 PM
iyadoo dhacdooyinka la yaabka ah ay mar kasta ku soo noq-noqoyaan qaar kamid ah Gobolada dalkeena Soomaaliya ayaa   magaalladda Baydhabo arin ka wada yaabisay dadka noqotayna Mid fajac iyo layaab leh.
Dadka ku nool magaaladda baydhabo haweeney  kamid  aheyd ayaa mas uu ku Duub-duubmay, Maska ayaa sida la sheegay haweynayda kaga duubmay dhabarka waxaana uu maska u diiday haweyneyda in ay hadasho, dadka deegaanka oo u soo gurdmaday haweeneyda ayaa waxa ay Ku guul dareysteen in ay maska ka fujiyaan. Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in markasta oo ladoono in la-dilo maska ama laga fujiyo haweeneyda uu ku sii duub-duubmo.

Waxaa soo baxaya warar is-qilaafsan oo ku saabsan dhacdadaan la-yaabka leh ee ka dhacday magalladda Baydhabo , balse dad ku dhaw dhaw haweeneyda uu maska ku duub-duubmay ayaa xaqiijiyay in haweeneyda

Ay dhibaato ku heysay wiil ay dhashay oo ay ka furtay ilaa 9 haween ah ee uu qabay.

Wararka ayaa waxaa intaas ku darayaan inuu iskiis iskaga tagay maskii haweeneyda ku duub-naa.

Amuurtaan ayaa waxa ay noqoneysaa markii ugu horeysay oo ay ka dhacdo magaaladda Baydhabo,Waxaana ay dadka deegaanku ku tilmaamneen mid kamid a mucjisooyinka Alle.

Ugu danbeen culumaa’udiinka deegaan ayaa waxa ay dadka reer Baydhabo kula taliyeen in Alle ka cabsigiisa la-badiyo xarigiisana ay qabsadaan, taa oo ah mida kaliya ee qeyr lagu kasban karo.
             editing by terror man