Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Khadar mahamed hassan on April 18, 2017, 05:05:08 PM

Title: Su'aal: wajiga ayaa findoob IGA soo baxeen?
Post by: Khadar mahamed hassan on April 18, 2017, 05:05:08 PM
Asc Dr hadaan su aasheyda waxey tahay wajiga ayaa findoob IGA soo baxeen I'm muda ah ayee igu yaaleen ilaa mahadii weena IGA reesteen lkn waxey wajiga igu reebteen dulduleelo marks Dr maxaa u room dulduleelahaas wajiga igu yaal wax bamaata eh in aad iisheegto Dr mahadsanid jawaab?
Title: Re: Su'aal: wajiga ayaa findoob IGA soo baxeen?
Post by: SomaliDoc on August 09, 2017, 11:06:38 AM
Findoobku markuu raysanayos dadka qaar wuxuu ku reebaa dulduleelo wajiga ah, taasoo loo yaqaano "Acne holes", waxaa jira qaabab kala duwan ee lool tacaalo dulduleeladaas waxayse ku xiran yihin nuuca dulduleelkaaga iyo heerka ay gaarsiisan yihiin, waxaa dawooyinka ka mid ah Kareemyo la marsado, qalliin laser ah, dulduleelada oo lagu buuxiyo waxyaabo loogu talagalay oo loo yaqaano "Synthetic fillers" iyo qaabab kale.

Fadlan haddii ay arintaan welwel kugu hayso la xiriir dhakhtar maqaarka kugu takhasusay si uu kuu arko, talane kaaga siiyo, haddii ay arintaasi kugu adag tahay, fadlan fariintaada iyo sawirrada wajigaaga noogu soo dir bogga Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)