Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Kaafiyo on September 07, 2012, 02:53:48 PM

Title: Su'aal: Calaacasha ayaa i hurayso?
Post by: Kaafiyo on September 07, 2012, 02:53:48 PM
Asc mahad allay usugnatay dhamantee walaal waxan waydiinaya dhaqatirta nagudeqay cilmigooda walaal waxan ihura calaacasha lug inta badan habeen dhiigayguna waa fiicanyhy alxamdulilah marka maxaa keeni kara luga olalkaas
 thnkz all doc
Title: Re: Su'aal: Calaacasha ayaa i hurayso?
Post by: SomaliDoc on November 10, 2012, 03:22:20 PM
Caga hurka wuxuu calaamad u noqon karaa cudurka gaas calooleedka, tanoo ah mid aad u badan oo ay ka cabtaan dadka gaaska qaba iyagoo aysan iskugu xirnaan labada cabasho, wuxuu kaloo calaamad u noqon karaa xanuun neerfaha cagaha ama lugaha taasoo dareenka loo dareemo qaab kuleel ah ama in ay ku yartahay fitamiinnada qaar  kuwaasoo dareenka kobcintiisa ka qeyb qaato.
Wuxuu kaloo calaamad u noqon karaa, hormoonnada jirka qaar ka mid ah oo yaraado tusaale ahaan haweenta dhalmodeyska waxay ka cabtaa kor qallay iyo caga hor.

Si loo ogaado waxa kuu keenay caga hurka la xiriir takhtarkaaga.