Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Saiid6666 on January 31, 2012, 03:07:33 AM

Title: Su'aal: Jarees makii la qaado?
Post by: Saiid6666 on January 31, 2012, 03:07:33 AM
waxaa jooga xaafadayda baby yar oo qaba xanuun sida qalalka ookale ah maalitii oo idil waa caadi laakiin habeenkii hadii uu  fadhiga uu seexdo markii laqaadi tago oo loo wado sariirtiisa ayuu jareeyaa arkuu seexdona  mar waa qoslaa mar waa ooyaa yaab???? maxay tahay walaalayaal
sc
Title: Re: Su'aal: Jarees makii la qaado?
Post by: SomaliDoc on March 10, 2012, 03:37:00 PM
Tani qalal maahan ee waa arin caadi ah oo ku badan caruurta yaryar, waana dhaxdin ay dareemayaan khaas ahaan marka ay riyoonayaan.
Caruurta yaryari aad ayay u riyootaa, waana sababta aad u arkayso in ay dhoolacadaynayaan mararka qaar ama murqaha wejiga ay ka dubaaxinayaan.

Tani wax dhib ah ma lahan, waxaana loo aaneeyaa in habkadhiska neerfaha jirkooda uusan safiican u kobcin.

Badanaa waxay saan sameeyaan markii ay naaska ku hurdaan, hooyadane ay is tiraahdo sariirta gey.