Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hassan45 on November 04, 2015, 10:41:55 PM

Title: Su'aal: Xanuunada laga qaado nasashada badan?
Post by: Hassan45 on November 04, 2015, 10:41:55 PM
asc dictoor horta ilaahay ayaa mahad  su'aashaydu wxay tahay dictoor horta hurdadu waa wax lagama maarmaan ah qof ka qaan gaadhka ah ama qof ka normal ka ah wxaa loogu tallo galay inuu seexdo mudo 7 saac ilaa 9 saac inta u dhaxaysa sidaynu ognahay na hurda yarida xanuuno ayaa laga qaadaa lkn dhictoore anigu wxaan ahay wiil dhalinyaro ah waliba da'da 20 ilaa19 ayaan u dhexeeyaa miisankaygu waa 83 kg wxaan hurdaa 13 saac ilaa12 saac wakhtigayga ugu badan wxaan ku qaataa jiif mana shaqeeyo waxna ma dhigto sidaa daraadeed dhictoore ma ii sheegi kartaa xanuunada laga qaado nasashada badan iyo hurdada badan adigoo waliba talo ii raacinaya mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Xanuunada laga qaado nasashada badan?
Post by: SomaliDoc on November 09, 2015, 01:01:56 PM
Hurdada sideeda loogama qaado xanuun, laakiin haddii xanuun uu keenay hurdada badan waa in lagaa daaweeyaa maadaama ay jiraan xanuuno dhowr ah oo keena hurdo badan iyo caajis.
Laakiin sida aad tilmaantay waxa hurdada kuu keenay waa shaqo iyo waxbarasho la'aanta, sidaas darteed hurdadaasi dhib caafimaad ma lahan.