Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Jaamac2020 on March 10, 2016, 12:12:07 AM

Title: Su'aal: Calooshoo shanqarta marwalba?
Post by: Jaamac2020 on March 10, 2016, 12:12:07 AM
calooshoo sadhaqanta marwalba markaan basbas cunana calool majiir igu dhacayo marmana qaras saaid ah aan hor iyo dabo noqonayo
Title: Re: Su'aal: Calooshoo shanqarta marwalba?
Post by: SomaliDoc on March 20, 2016, 09:35:34 PM
(http://somalidoc.com/Topics/shanqarcalool.png)

Shanqarta caloosha laga maqlo waa dabiici, waxaana la maqlaa markii murqaha mindhicirrada ku hareeraysan ay faarujinayaan waxa ku jiro mindhicirka.
Badanaa codka ama shanqarta waxaa la maqlaa markii biyo ama hawo badan mindhicirku ku dhex jiraan.

Shanqarta caloosha oo la maqlin waxay astaan u tahay qabsin ama mindhicirrada oo xirmo, waxayna dhakhaatiirta badanaa shanqarta ka dhagaystaan caloosha qeybta midig ee hoose si loo ogaado in mindhicirradu furan yihiin.

Laakiin su'aashu waxay tahay maxaa keeno shanqarta caloosha ee badan?
Haddii dareeruhu ay caloosha iyo mindhicirradu ku bataan ama hawo badan ku aruurto, waxay keentaa shanqar siyaado ah, taasoo ay maqli karaan dadka ku agfadhiyo.

Waxay kaloo ku xiran tahay cunnooyinka qofka uu cunay sida cunnada kulul sida basbaaska, toonta, sanjabiilka, basasha iyo cunnada badan oo u baahan in caloosha ay soo dayso dheecaanno badan oo cunnadaas burburiyo.

Maxay tahay cudurrada lagu yaqaano shanqarta badan ee caloosha?

Sidee loo yareeyaa shanqarta caloosha?
Shanqarta caloosha oo dabiiciga ah oo aysan la socon astaamaha kale ee kor ku xusan sida shubanka, calool majiirka, mataga, dibirada ma ahan wax laga welwelo waana arrin dabiici ah, haddii ay jiraan cunno gooni ah oo aad dhibsatid ama kuu keento shanaqar badan waad ka fogaan kartaa sida caanaha oo dadka qaar ku badiyo shanqarta caloosha.
Laakiin haddii ay jiraan cillado kale waa in aad la xiriirtaa dhakhtar kaa baaro xanuunadaas, kaana daawayn karo haddii lagaa helo.

Akhriso waxa Qarastu ay tahay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2346.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2346.0.html)

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)