Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cmqalinle on June 29, 2009, 05:31:33 PM

Title: Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?
Post by: Cmqalinle on June 29, 2009, 05:31:33 PM
sc walaal toxobta ama nabka(dandruff) maxa ku dhalata maxaa ku haboon oo lagu dawaynkaraa ka hortag maleedahay
Title: Re: Su'aal: Maxaa lagu daweeyaa Dandruff-ka?
Post by: SomaliDoc on July 01, 2009, 08:09:43 PM
(http://somalidoc.com/Topics/agool.png)

Waa maxay Agool?
Agool waxay basada ku samaysaa toxob badan oo badanaa la dareemo marka la shanlaysanayo.
Unugyada maqaarkeenna waa la cusbooneysii mar waliba oo ay duqoobaan laakiin haddii cusbooneysiinta ay noqoto mid dhakhso ah waxay keeneysaa in la dareemo unugyo badan oo dhinta kadibne loo dareemo toxob ama jirif ahaan oo ka soo daadato basada.

Agoolka waxuuu kaloo ku dhacaa dadka ka shaqeeyo meelo heerkulkooda sarreeyo taasoo keenta in unugyada basada ay dhakhso is badalaan, Agoolka waxaa loo yaqaannaa "Dandruff" ama "SCURF" ama caafimaad ahaan "Pityriasis Capitis"

Waxaa kaloo jira cudur loo yaqaanno "Seborrheic Dermatitis" oo ah caabuq ku dhaca maqaarka basada, wuxuuna keenaa in agool badan uu sameeyo.

Calaamadaha agoolka waxaa ka mid ah toxob cad oo basada saarsaaran ama tinta ku dhegan, basada oo leh cuncucn iyo hanbab.
Xaaladaha agoolka badankood uma baahna in dhakhtar loola tago inkastoo dadka cuncunka siyaadada dareemo oo xoqa basadooda u baahanyihiin in daawo ay raadsadaan.

Maxaa keeno Agoolka?
Waxa si toos ah u keeno agoolka lama garanayo laakiin waxaa la isku waafaqsanyahay in nadaafad xumi aysan lug ku laheen.
Waxyaabaha keeno in agoolka ay bataan ama helis uga dhigo qofka waxaa ka mid ah:

Garashada Agoolka?
U ma baahnid dhakhtar si aad u gaatid in aad qabto agool, haddii aad leedahay toxob cad oo basadaada ku samaysantay ayaa kugu filan.
Haddii aad u baahantahay in aad dhakhtar aaddo horay u soo qaad haddii ay jiraan waxyaabo cusub oo aad bilawday in aad timaha marsato.

Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka?
Laba shay ayaa muhiim ah in la ogaado marka aad iska daaweyneyso Agoolka:
1) da'daada iyo 2) heerka Agoolkaaga.
Waxaa lagu daaweeyaa shaambooyin loogu tala galay ka hortagga iyo daaweynta agoolka umana baahnid rijeeto si aad u soo gadato.
Waxaa kaloo jira shaambooyin ka hortaga agoolka uu keeno fangaska, loona yaqaano "Anti-dandruff Shampoo".
Haddii shaambooyinka waxba iskaga garan weydo waa inaad la xiriirtaa dhakhtar si loo ogaado waxa keenay agoolkaaga.
Haddii ay la socdaan timaha oo khafiif ah ama daato, qoraalkaan akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,687.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,687.0.html)

Haddii ay jiraan su'aalo caafimaadkaaga ku saabsan iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Su'aal: Maxaa lagu daweeyaa Dandruff-ka?
Post by: Mr.cabdi on January 06, 2015, 11:57:44 AM
Madaxa kaligiis yuu sameynaa dufin hadii aan saliid mariyana timaha ayaa aad usidaata Timo jilcan ayaan leyahay salaxyadii ayaa igu si fogaaday..
Title: Re: Su'aal: Maxaa lagu daweeyaa Dandruff-ka?
Post by: SomaliDoc on January 06, 2015, 08:30:19 PM
Si aad u hubsatid in ay tahay bidaar dhaxal ah oo ku gali rabto ama cillad kale maadaama aad su'aashaadii hore ku sheegtay cuncun iyo qolof madaxaaga uu leeyahay (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,687.0.html), la xiriir takhtar maqaar.