Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ayanita on November 11, 2009, 01:23:21 AM

Title: Su'aal: Cuncunka inta u dhaxaysa labada biri ee dilac yar oo xanuun badan wata?
Post by: Ayanita on November 11, 2009, 01:23:21 AM
walaal marka hore aad baad u mahadsantihin,waxan u baahanahay inad iga jawaabtaan ,dhibaato i haysata on garan wayay ,labada beri dhexdooda qeybteeda kore aya mar iska dilaacdaa oo mel yaroo dilaacsan maqaarka aya iska dilaaca wax dhecaan ahna ma wataan dilaac qalalan waaye uun ,maalmo ayey sidaas ahaataaa kadibna way iska suushaa,malmaas aad ayeey u xanuun badantahay,mana ahi qof cayilan iyo qof weynba 20 years an ahay.2sano ayan sidas isku arkayay,bal i faideeya ,ilahey dambigina ha dhaafee.asc
Title: Re: Su'aal: Cuncunka inta u dhaxaysa labada biri ee dilac yar oo xanuun badan wata?
Post by: SomaliDoc on November 17, 2009, 07:36:08 PM
(http://somalidoc.com/Topics/dillaacbari.png)

Haddii aad dillaac wax aad moodid in sakiin lagu jeexay uu kaaga yaallo meesha jeexa barida ka bilaabato dhabarkane ku dhamaado waxaa loo yaqaanaa "Intergluteal Cleft Skin Tear".
Waxaa keeni kara dhowr waxyaalood oo ay ka mid tahay in maqaarka uu kala jiidmo sidaa dillaaca uu ku yimaado wax cuncun ah ma wadato markii ay qalalan tahay, laakiin markii aad dhidid waxaad dareemaysaa cuncun iyo xanuun.
Wuxuu dillaaca badanaa samaysmaa markii aad fooraarsatid adigoo taagan, wayna xanuun badan tahay oo way daqnanaysaa markaa dhididdid iyo markii tuunjiga musqusha ku fariisanaysid (tan way iska raysataa oo wax daawo ah uma baahno bas waa in aad dhadaafaddaa ku dadaasha si meesha jeexantay bakteriya ugu dhalan oo infection u qaadin)
Sababta ay u dillaacdane waxay ka timaadaa maqaarka oo qalley noqdo, taasoo u sahlaysa inuu dillaaco markii kala jiidmo.

Dadka qaar dillaaca wuu waynaadaa oo dhiig ayaa ka yimaado, qaarne raysashada ayaa ka soo daahdo oo caabuq bakteeriyo ama fangas ayaa ku dhasho, markii ay heerkaa gaarto waa in aad daawo u qaadatid.

Haddii jeexa uu leeyahay dheecaan cuncun wata waxaa keeni karo caabuq fangas taasina daawo loogu tala galay ayay leedahay waa in aad u tagtaa dhakhtar, haddii ay finan cuncun wata aad ku leedahay isla meeshaa waxaa keeni karo caabuq fayras sida herpes-ka oo kale iyadane waa in aad dhakhtar la xiriirtaa.

Haddii aad isku aragtay in dildillaaca uu dhowr jeer kugu soo laalaabtay iska ilaali in aad ku qubeysatid saabuunnada jirka qalleylka ka dhigo.

Haddii ay jiraan su'aalo kale waxaa iigu soo dirtaa halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)