Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on September 03, 2011, 05:32:04 PM

Title: Su'aal: Lug ka xidhida caruurta dhib ma keeneysaa mustaqbalka?
Post by: CilmiSabca on September 03, 2011, 05:32:04 PM
Asc dhamaantiin. Ka bacdi.
Dhaqtar waxa noo jooga caruur fowdo miidhan oo dhib kaliya, intaas oo dhan waxay ku jiraan orod, cayaar, dagaal IWM. Marka Doctor si aan yeela-ba waxaan go'aansanay in aan midba walba inta aan qabtay dabadeedna aan Lug ka xidhay, waxaanse ka baqayaa in lug xidhkaasi uu cawaaqib dambe ku reebo fikirkooda. Marka dhaqtar arrintaan Raad noocee ah bay yeelan kartaa?
Title: Re: Su'aal: Lug ka xidhka caruurta dhib ma keeneysaa mustaqbalka?
Post by: SomaliDoc on September 20, 2011, 05:22:08 PM
(http://somalidoc.com/Topics/lugxidh.png)

Caruurta oo la xiro maahan mid dan ugu jirta caruurta xag caafimaad iyo mid dhaqanba, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa in caruurtu cuqdad ay waalidku ka qaaddo oo noloshooda mustaqbal ay saamayso oona ku abuurto cudurro nafsaani ah oo aan ka harin noloshooda saameyn ku yeelato caruurta ay dhali doonaan.

Caruurta waxaa ku jiro energy siyaado ah, taasoo ay u baahan yihiin in ay bixiyaan, dhaqdhaqaaqaas badan waxay ka qeyb qaadataa korriimadooda jir ahaan iyo mid maskax ahaan, marka haddii aad ilmihii ku soo koobtay in hal mitir ah, waxa aad ka filan doonto intaa ma dhaafayso, wuxuu kaloo keeni karaa cunugga isla hadal iyo inuu isku buuqo isagoo aad u da' yar, tan oo uu ka qaadi karo nacayb khaasatan markuu arko ilmo faciisa ah oo ciyaarayo ama guriga imaanayo.
Caruurta caadada u tahay in la xiro, waxay ka dhaxlaan maangaabnimo, awoodda fikirka iyo halabuurka way ka luntaa.

Caafimaad ahaan dhib jirka ku dhaco iyo midka laabta ku naco waxaa dhib badan oo aan si sahlan looga kabsan karin midkaa laabta ku dhaco oo aan ula jeedo midka reebo cudurro nafsaani ah.

Ilmaha oo lugta laga xiro, waxaa ka roon adigoo qol ku soo xirtay haddiiba aad wax xiraysid, qolkaas wuxuu u yahay xur, haku dhex ciyaaro, wuxuu rabo haku sameeyo laakiin markaa lugta ka xertid, dhib ayuu ka sii qaadaa.

Fadlan xeeladaada adeegso sidii aan ula tacaamuli laheed caruurtaada ee ha adeegsan xooggaaga.

Midda kale waxaa la ogaaday xarigga caruurta waxay ka sii qaadaan rabsho iyo amar diiddo oo waxay ku waynaanayaan xaaladdaas.

Akhriso qoraal ku saabsan garaacista caruurta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6496.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6496.0.html)

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Su'aal: Lug ka xidhida caruurta dhib ma keeneysaa mustaqbalka?
Post by: CilmiSabca on September 20, 2011, 09:44:24 PM
Jawaabtaadu waa mid aad & aad u fiican, talooyinka la socdana waa kuwo ay tahay in uu qaato waalid kasta.
Aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay Somalidoc.