Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: A/qadir Abdi on August 24, 2015, 11:11:38 PM

Title: Su'aal: Talo Qalliin - Anal Fistula?
Post by: A/qadir Abdi on August 24, 2015, 11:11:38 PM
Asc dhaman hawl wadeenada webkan adbad ugu mahadsantihiin sida fiican ee aad dadkiina ugu adeegaysaan waxan joga magalada hargeisa
Horena halkan waaan idiinka waydiiyay waxaan qabaa anal fistula iyo weliba babaasiir markaaa babaasiirtu iyadu wax mushkilad ah iguma hayso. waxaanse rabaa inaan fistulaha iska qalo marka dr. waxan u bahanahay dhakhtar fican hadii ad igula talin kartan ama hargeisa ha ahaato ama wadamada jaarka ha ahaatee.
Aadbaan idiin salaamaya waanad mahadsanthiin
Title: Re: Su'aal: Talo Qalliin - Anal Fistula?
Post by: SomaliDoc on August 26, 2015, 02:17:41 PM
Fistulada dabada qalliinkeeda waa arrin fudud mana u baahna in dibad loo aado, dad badan ayaa soomaaliya looga qalaa, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan xanuunkaan iyo sida loola tacaalo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5618.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5618.0.html)
Title: Re: Su'aal: Talo Qalliin - Anal Fistula?
Post by: A/qadir Abdi on August 27, 2015, 10:09:07 AM
Aadbad u mahadsantay Dr adoo iga raaliya hadii dhakhtar gaar ah aad hargeisa iiga sii tilmaami krtaana way fiicnaan lahay.
ta kale Dr. kubada cagta ayaan marmar ciyara marka qalinka ka dib ma sii wadi karaa inan kubada ciyaro
Title: Re: Su'aal: Talo Qalliin - Anal Fistula?
Post by: SomaliDoc on August 27, 2015, 12:27:29 PM
Qalliinka ka dib, banoonigaaga waad sii ciyaari kartaa markuu dhakhtarka kuu fasaxo.
Midda dhakhtarka ku saabsan inbox-kaaga ayaan kuugu soo diray..