Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Almis on August 13, 2015, 05:12:36 PM

Title: Su'aal: Ma jirtaa daawo natural oo lagu daaweyo xanunka gaaska?
Post by: Almis on August 13, 2015, 05:12:36 PM
aASC WR WB  DHAMMAAN TAKHAATIIRTA SOOMAALIYEED ,  IYO HOWL WADEENADA WEBKAAN QIIMAHA  IYO FAA IIDADA LEH .
dictor waxne rabay ine ade  tafasil badane noga biixisi  su aashane
ma jirane daawo natural oo lagu daaweyo gaaska, hadi haa tahay waa kuwe.
Title: Cunnada Gaaska U Roon
Post by: SomaliDoc on August 15, 2015, 02:42:07 PM
(http://somalidoc.com/Topics/gaaska.png)

Marka hore akhriso qoraal faahfaahsan oo fikrad kaa siinayo waxa Gaaska uu yahay, waxa keeno, waxyaabaha u daran, astaamaha lagu garto iyo siyaabaha looga fogaado: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html)

Haddii aan su'aashaada u soo gudbo, Gaaska wxuu noqon karaa mid ka dhasho Acid-ka ama Aashitada oo caloosha ku badato, wayna jiraan cunnooyin dhowr ah oo acid-ka yareeyo ama siyaabo kale ka hortaga boog samaysanka caloosha waxaana ka mid ah:

1- Malabka: malabku waa daawo, waxaan kula taliyaa bukaanada qaba gaaska soo laalaabto oo wax badan iskaga gartay in subaxii markuu qofka soo tooso isagoo waxba cunin in koob biyo caadi ah uu ku darsado hal qaado weyn oo malab saafi ah, kadib isku qaso sidaas uu ku cabo, badanaa gaaska nooca stresska ka dhasho ama dadka boog calooleedka qababa way ku caafimaadaan, waxaa muhiim ah in aad iska hubiso in malabka uu saafi yahay, hadduusan saafi ahayn waad ku sii xanuunsan kartaa.

2- Burka Shoofaanka ah: waa bur ka samaysan maaddo af english-ka loo yaqaano "Oatmeal" waxaa la yiraahdaa cunanda ugu fiican ee lagu quraacdo dadka gaaska qabo in ay tahay, caloosh markii lagu rido waxay nuugtaa wixii Acid caloosha ku jiray, gaajadane way u fiican tahay oo waa lagu dhargaa.

3- Zanjabiilka qoyan: Sanjabiilka qoyan wuxuu yareeyaa laabjeexa iyo biyaha kulul oo qofka ku soo rogmado weliba markuu cunno gaas kiciso markuu qofka cuno, iska ilaali sanjabiilka qalalan kaasi gaaska wuu kiciyaa, qaabka loo isticmaalo waa in aad biyo caadi ah dhexdhigtid si uu ugu milmo kadibna biyaha aad cabto ama aad cunnada ku darsato.

4- Dacarta: geedka dacarta "Aloe Vera" waxaa lagu daaweeyaa gaaska nabarka ah oo raaysan diiday, hadane waxaa jiro shirkado u sameeya qaab daawo ah, ku dadaal in aadan toos u isticmaalin geedka laakiin aad raadsato isagoo la soo sifeeyay waxaana lagu gadaa farmashiyada ama dukaamada waawayn qaar, wuxuu daboolaa nabarada caloosha ku yaalo oo uu gaaska keeno waana daawo aad u fiican.

5- Qudaarta/ Cagaarka /Saladka: intaba way u roonyihiin gaaska, dadka badanaa badasadane gaas iyo calool fadhi intaba isma arkaan.

6- Caanaha: caanaha subagga laga saaray oo la qaboojiyay waxay yaraysaa acid-ka caloosha, waana muhiim in caanaha aysan ahayn kuwa fadhi ama suusac ah, waa in ay dhaay ahaadaan fresh ah ama caanaha gasacyada ku jiro.

7- Shaaha cagaaran: shaahaan oo faaidooyin la soo koobi karin leh waxaa la sheegaa in gaaska iyo dibbirada uu yareeyo.

8- Babayga: caloosha wuu bixiyaa wuxuuna yareeyaa acid-ka caloosha, dheefshiidkane wuu wanaajiyaa, laakiin liin dhanaan iyo sokor haku darin.

Intaa waxaa sii dheer in ay jiri karaan cunnooyin iyo waxyabo dabiici ah oo aan halkaan lagu soo koobi karin oo qofba khibradiisa ku arkay inay faa'ido u leedahay, waxaa kaloo jiri kara waxyaabo lagu kala duwanaan karo oo gaaska ku kicin karo meesha dad kale uu ka dajin karo, waxaa waxyaabahaas ka mid ah liinta, mooska, kalluunka, timirta iyo waxyaabo kale.

Waxaa muhiim ah in aad ka fogaatid basbaaska, waxyaabaha shiilshiilan ama dhanaanka ku badan yahay, cunanda khamiirka lagu badiyay sida canjeerad qaar, cabitaanada acid-ka leh, qaraha, ananaaska iyo wixii la mid ah.

Qoraalka aan kor kuugu tilmaamay ha hilmaamin in aad akhrisatid talooyin faa'ido leh ayaa ku jira.

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)