Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cmqalinle on June 14, 2009, 11:57:25 AM

Title: Waa maxay tayfoodku (widle test)?
Post by: Cmqalinle on June 14, 2009, 11:57:25 AM
s/c walaal waxa bulshada ku soo kordhay cudurkan tayfoodka (widle test) maxaa sabab u ah maxaa lagu daawayn karaa maxaa ka hortag ah
Title: Re: Waa maxay tayfoodku (widle test)?
Post by: Dr.Adnan on June 14, 2009, 03:43:29 PM
Cudurka typhoidka (Typhoid fever) waa cudur ay keento bakteeriyada loo yaqaan salmonella. cudurkan waxa uu ku gudbaa cabitaanka biyo ku wasakhaysan saalo, amaa cunnooyin aan nadiif ahayn. 

Ereyga aad adeegsatay ee widle test, waa hab kimiko ( to be exact serological) oo loo baadho cudurkan isaga ah. asbuuca hore waa negative laakiin intaa wixii intaa ka danbeeya waa positive.

Bulshada aad xustay ee cudurkani ku soo ifbaxay waxa wanaagsan in laga nadiifyo biyaha ay cabaan saxarada, isla markaana laga duwo -saxarada- ilaha biyaha.

Astaamihiisa waxa ka mid ah Xummad - qandho- aan kala go'a lahayn iyo shuban, kuwaas oo kolba sii kordhaya, iyo sidoo kale (rash- runtii ma garan afsoomaali waxa lagu odhan karo laakiin waxaan ku fasiri karaa finan ka soo baxa gaar ubucda) .

sidaan xusnay  nadaafadu waa talaabada u horayso ee lagaga hor tago cudurkan tayfoodha.
hadii ay qofka ku dhacdo se waxa la adeegsan karaa antibiotics ( ciprofloxacin, chloramphenicol.... laakiin waa in uu dhakhtarku qoro)
Title: Re: Waa maxay tayfoodku (widle test)?
Post by: SomaliDoc on June 16, 2009, 09:31:00 PM
Jawaab hore:

http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=548.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=548.0)