Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Jikaatoos on January 18, 2019, 03:58:03 AM

Title: Su'aal: Bogsasho La'aanta Nabarada Maqaarka Sare?
Post by: Jikaatoos on January 18, 2019, 03:58:03 AM
Asc waxaan idinku bogaadinayaa shaqada sharafta leh ood ku caawineysaan habeen IYO maalinba Umada Muslimiinta ah si gaar ah Soomaali Weyn.
Hadaan suaasheyda usoo daadego, Waxaan 2dii sano ee ugu danbeysey isku arkey haddii maqaarkeyga meel ka mida wax iga saraan mareysanayo sidoo kale ciridka oo mararka qaar iska bukooda labadaas arinba waxaan kula tacaalaa Liimo dhanaanta oo aan mariyo Mar iyo Wax kabadan waana ku bogsadaa ALXAMDULILAAH.
Waxaan idinka codsanayaa Inaad iga jaahil bixisaan maxaa sababi kara Reysasho la'aantaan soo noqnoqoneysa madama aan horey isugu arag hadda kahor.
Waxaan idinka rajeynayaa inaad igu caawin doontaan intaad idhaantaan INSHA'A ALLAH.


MAHADSANIDIIN DHAMAANTIIN.
Title: Re: Su'aal: Bogsasho La'aanta Nabarada Maqaarka Sare?
Post by: SomaliDoc on September 08, 2019, 05:32:36 PM
Badanaa nabraha aan si dhakhso ah u bogsan waxay tilmaan u yihiin laba arrimood:
1- In jeermis adag uu keenay nabarkaasi
2- Inuu jiro cudur wiiqay difaacaaga sida macaankaaga.

Wixii faahfaahin intaa dheer ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6078.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6078.0)