Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdi21 on April 21, 2015, 12:59:45 AM

Title: Su'aal: Cagaarshoowga iyo gastarik ma is shabahaan?
Post by: Abdi21 on April 21, 2015, 12:59:45 AM
Digtoore waxa la igu sheegay gastarik inkastoo marka daawo la iisoo qoraba 2 ama 3 da maalin ugu horeeysa aan ku roonaado kadibna aan sideydii hore dareemo hada waxa ii balansan camirad caloosha lkn waa bil iyo bar kadib madax xanuun badan baarka oo i olola marka aan hilib cuno oo aan dareemo inuu xabadka taagan yahay soona matago cunada markaan cuno oo aan dareemo gubasho boga ah marmarna aanan dareemin tabardaro daal iyo garaac boga ah oo aan dareemo marka aan jiifanayo iyo marmar marka aan matago kaniinini ayaan cunaa gastarik ah noocyo kalena waan soo qaatay waxna waa iga tari waayeen waxan rabaa inaan ogaado gaaska miyuu leeyahaya boga oo ku boodbooda ama ku dikaama sida inuu wadne yahay oo kale mararka qaar markan fadhiga kakaco ayaan dareemaa in boga igaraacmayo ama i dikaamayo ama boodboodayo iyo daal Tankale markaan cuno cuno waan kala dhacaa sidii qof daalanaa oo kale  baarka waxan dareemaa inuu i boodboodayo ama i dikaamayo oo dhag dhag leeyahay sidii qof haraan hirsan oo kale ama la soo eryay gaar ahaan marka aan jiifo ama aan fadhiga kakaco mahadsanidiin
Title: Re: Su'aal: Cagaarshoowga iyo gastarik ma is shabahaan?
Post by: Abdi21 on April 21, 2015, 02:00:36 PM
Madaxa wuu i wareeraa markaan hurdada kakaco markaan biyo cabana ama wax cunana waan roonaanaa
Title: Re: Su'aal: Cagaarshoowga iyo gastarik ma is shabahaan?
Post by: SomaliDoc on April 25, 2015, 12:47:56 PM
Bogga oo ku boodboodo ama aad ka dareento sida wadnaha garaac oo kale, ma ahan astaan gaas, laakiin waxaa keeno karo waxyaabo badan oo ay ka mid tahay, hadduu cillad wadnaha ka jirto, haddii cadaadiska dhiiggaaga uu kacsan yahay, haddii halbowlaha caloosha maro uu jiran yahay iyo haddii ay jiraan xanuun kale oo wadna garaaca siyaadinaya sida hormoonka thyroidka inuu kacsan yahay oo kale.

Waxaad u baahan tahay baaris guud si loo ogaado meesha ay cilalda kaa heysato, fadlan la xiriir takhtar adigoo u sheegaya qaabka laguu hayo, waxaa laga yaabaa gaaska aad dareemayso in ay astaan ka mid ah cilalda ku hayso in ay tahay, hadduu qofka jirkiisa uu kacsan yahay oo uu welwel badan leeyahay, gaas wuu imaan karaa, laakin waxaa muhiim ah in la ogaado cilladaaha kale.

Midda kale wareer markaa hurdada ka soo kacdo, kadibna caadi noqotid markaa wax cuntid waxaa laga yaabaa in sonkortaada ay dhacayso, wayna la xiriiri kartaa hadduu khalal ama isdabar hormoonnada jirkaaga uu jiro.

Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan Gaaska: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html)
Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan Cagaarshowga: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,633.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,633.0.html)

Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa