Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Maahir12 on June 02, 2017, 11:55:16 AM

Title: Su'aal: Faaiidada malabka u leeyahay galmada?
Post by: Maahir12 on June 02, 2017, 11:55:16 AM
Asc wrx wb, salaan kadib mahad badan ha idinka gaarto bahda bogaan somalidoc.com sida isxilqaanka leh ee aad bulshadiina u caawisaan Eebe idinkaga abaalmariyo adeega aad u haysaan bulshada.
 
salaan iyo mahadnaq kadib, waxaan jeclaan lahaa inaad ii faaiidaysaan ama jawaab inaga siisaan faaiidada malabka u leeyahay galmada.

    mahadsanidiin
Title: Re: Su'aal: Faaiidada malabka u leeyahay galmada?
Post by: SomaliDoc on January 10, 2018, 08:10:23 PM
Malabku waa mucjiso rabbaani ah oo aduunka noo dhigay, maalinba maalinta ka danbayso waxay cilmibaarayaashu ogaadaan waxtar cusub oo aan horay loo ogeyn.

Arinta ku saabsan awoodda jinsiga iyo Malabka waa arrin ummadihii hore ay adeegsan jireen, weliba lagula dardaarmi jiray lamaanayaasha cusub in malab la siiyo bisha ugu horayso ee arooskooda, halkaasne uu ka yimid magaca "Honeymoon".

Malabka waxaa ku jirto macaadin iyo nafaqooyin muhiim u ah awoodda jinsiga, wuxuu kordhiyaa dareenka, wuxuuna xoojiyaa kacsiga, wuxuuna qofka siiyaa awood jireed.
 
Waxaa lagu taliyaa in qaaddo malab ah iyo qorfo la shiiday la isku qaso, kadibne saacad ka hor xilliga sariirta la qaato si waxtarkiisa loo dareemo.

Way jiraan qaabab kale oo badan oo loo isticmaalmo malabka, laakiin qaabkaan ayaa ugu caansan.

Midda kale ka taxaddar waxaa suuqa la keenaa malab la soo baceeyay oo ay ku qoran tahay waxaa lagu daaweeyaa kacsi darrada iyo awoodda galmada, kuwaasoo qaarkood markii la baaray la ogaaday in lagu soo daray daawada "Viagra" ee loo qaato arrimahaas.

Akhriso qoraal aan kaga dignay arintaan hadda ka hor: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5503.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5503.0)

Midda kale link-gaan hoose ka akhriso cudurrada lagu daaweeyo malabka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3929.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3929.0)