Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Khalid17 on January 11, 2018, 08:06:38 PM

Title: Su'aal: Wadno garaac ayaan isku arkay?
Post by: Khalid17 on January 11, 2018, 08:06:38 PM
Asc dhakhtar waxaan ahay hooyo dhahshay 2 caruura dadayda 30 jir waxaan isku arkay wadno garaac markaa baby 1aad uurkiisa lahaa baadhitaan ka dib waxay dhaheen waxaa u baahantahay oblation way sameeyeen markii koowaad waxba ma iska garan markii labaad way sameeyeen mudo ku fiicnaaday hada waxaa dareemayaa garaacii wadnaha iyo short of breath dhakhtarka waa i sheegay dhiigag ayay iga qaadeen. Waana normal ayay dhaheen heart monitar ayay 48 hour ii xidheen waa normal ayay dhaheen ana ciladii waan dareemaa khaasatan subaxii markaan hurdada ka soo kaco ilaa dhawr saac oo aan wakhti badan ahayn ayaan darwemayaa ciladaa maxaa talo ah ood isiin lahayd shakhtar jasaa kalaah khayr asc
Title: Re: Su'aal: Wadno garaac ayaan isku arkay?
Post by: SomaliDoc on December 08, 2018, 12:11:04 AM
Wadne garaaca waxyaabo badan ayaa keena, haddii wadnahaagu fiican yahay waxaa laga yaabaa in xanuuno kale ay jiraan oo lagu yaqaano wadne garaaca sida cudurka gaaska, xanuunka welwelka ama argagaxa, xanuunka qanjirka thyroid-ka kacsan iyo kuwa kaloo badan, waxaad u baahan tahay waraysi dheer in lagula yeesho, lana fiiriyo baaritaanada aad samaysay illaa iyo hadda ee fahalan dhakhtarka kala xiriir qeybta messages-ka ee boggeean Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)