Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdifatah100 on January 12, 2018, 07:50:41 AM

Title: Su'aal: Guska ayaa iga qalloocan?
Post by: Abdifatah100 on January 12, 2018, 07:50:41 AM
Waxaan ahay wiil 25 sano jir ah waxaan rabaa inaa guursado lkn waan ka baqayaa sababto ah guska ayaa iga qaloocan oo guska oo dhan iyo afkiisa hore dhinac gees gees ayuu ku qaloocan yahay markaan kacsado meeshii kor ugu soo jeedsan lahaa dhinac ayuu u jeedsanayaa lkn kacsigeyga waa oky alx lkn waxaa maqlay dad dhahayo kastuumada guska qaloociso lkn aniga waan ku dhashtay waxaan isku arkay markii la i guday kadib baa arkay guska afkiisa oo dhinac u qalooca marka qaliin wax ma la ikaga qaban karaa oo qaliinka guska ma lagu toosin karaa ama cirbad marka dhaqtar dawada u baahanahay iisheek adi oo mhdsan
Title: Re: Su'aal: Guska ayaa iga qalloocan?
Post by: SomaliDoc on December 08, 2018, 12:17:32 AM
Waa korriimo caadi ah oo ragga qaarkood isku arkaan in xubintu marka ay taaganto lagu arko qallooc dhinac ama hoos ama kor ah.
Wax dhibaatane uma keento howsha iyo uuraynta intaba, umana baahnid qalliin inaad gashid ee welwelka iska daa.