Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Suheyb Abshir on October 07, 2018, 09:36:15 PM

Title: Su'aal: Terbinafine, terbisil iyo terminus maxay ku kala duwan yihiin?
Post by: Suheyb Abshir on October 07, 2018, 09:36:15 PM
Asc dr. waad ku mahadsan tihiin sida hagar la'aanta ah ee ad bulshada ugu adeegaysaan.
waxaa igu dhacay cawad mudo 7sano ku dhow in badan wan isticmaalay dawo somaliga sida saliid baregta lkn waa igu soo noqnoqdaa,Waxaan u tagay dhaqtar si uu caafimadkayguud u hubiyo waxba ma qabtid buu iyiri waxaanina dhib maleh kaniin terbinofine buu ii qoray markuu lkn wan ka wayey magaladayda waxayna isiiyeen kuwa pharcyga joogey labada kale oo aan labo jeer qaatay markuu muddo iga maqan yahy buu igu soo laabtaa marka dr. ma iska wadi karaa dhibse ma ii keeni karaan kaniinadani.
mahadsanidiin
Title: Re: Su'aal: Terbinafine, terbisil iyo terminus maxay ku kala duwan yihiin?
Post by: SomaliDoc on March 07, 2019, 08:05:11 PM
3-da magac ee aad sheegtay waa isla daawadii, magaca hore ee Terbinafine waa magaca asalka ee loo yaqaano "Chemical name", labada kale waa magacyo ay ula baxeen shirkadaha sameeyay daawadaas, waxaana magac bixintaas loo yaqaanaa "Trade name", waa sax qawadka waa loo isticmaalaa, waana inuu qofka wadaa ugu yaraan laba illaa afar usbuuc si isbadal uga dareemo, faahfaahitna cilladda qawadka iyo talooyin ku saabsan ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2313.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2313.0)