(http://www.iza-europe.com/images/we_all_need_zinc_460.jpg) | Zink (zinc) waa macdan aad muhiim u ah jirka oo wax yar haddii ay jirka ku yaraato ay dhibaatooyin badan keento. Zink-ga wuxuu ku xigaa macdanta feerada ama birta xaga ku badnaashaha jirka. Zink-ga wuxuu ka qayb qaataa hawsha 300 falgal-dadajiyaal (enzymes) oo jirka muhiim u ah, wuxuu ka qayb qaataa dhambalidda unugga iyo samaysanka DNA-da iyo Borotiinka. Zink wuxuu muhiim u yahay korriimada unugyada jirka, raysashada nabraha, dhananka, dayacritka xubnaha, difaaca jirka, lafaha, xinjiroobidda dhiigga, maskaxda, korrinka uurjiifka, samaysanka shahwada yo hawlo kale oo muhiim u ah jirka. |