Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdi Gurey on February 29, 2016, 09:37:30 PM

Title: Su'aal: Waxaa iheesto xanuun dhanka feeraha ah?
Post by: Abdi Gurey on February 29, 2016, 09:37:30 PM
asc digtoore salan kabacdi illaah ajir hakaa siiyo shaqa wanagsan eed noo heyso digtoore waxaan iheesto xanuun dhanka feerah qeebta hoose ey iska galaan feeraha iyo coloosha baarka korkiisa qeebta feeraha iska imadaan ma ahan xanuun mar kasto ah waxaa waaye marka aan xogaa fadhiyo ayaan daremaa xanuun hadii aan siifadhiyo xanuunka waa igu siyaadi hadii aan istaago oon feeraha kala jiido ama aan jimacsi sameeyo waan roonahaa waxaan kali oon mar mar isku arkaa naaska midig ah agteesa xanuun sidi oodin ama qof qabow galay marki aan fadhiisto neefta ayaa idhibeeso
Title: Re: Su'aal: Waxaa iheesto xanuun dhanka feeraha ah?
Post by: SomaliDoc on March 09, 2016, 01:55:07 PM
Feeraha iyo caloosha meesha iska galaan oo lagaa qabto markaa fadhisid muddo dheer, kadibna aad ka roonaatid markaa istaagtid oo iskala bixisid, waxaa keeni karo dhowr shay:
1- Marka ugu horreyso, isu day in aad fadhigaga saxdid oo dhabarkaaga toosisid, haddii aad tahay dadka horay u soo fooraarsado, dhibkaan way la kulmaan.
2- Hadduu miisaankaaga culus yahay ama calool leedahay iyadane dhibkaan waa lala kulmaa.
3- Waxaa kaloo dhibkaan la kulmo dadka qabo dibbirada ama calool fuurka, sida gaaska oo kale.
4- Hadduu lafahaagu ay tacbaan yihiin oo uu kugu yaryahay kaalsiyamka ama fitamiid D-ga iyadane waad dareemi kartaa xanuunkaan.

Intaa haddii aysan jirin, fadlan la xiriir dhakhtar si laguu baaro.