Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Moonaa212121 on June 24, 2017, 11:41:20 PM

Title: Su'aal: Waxaan ahay qof aad u sheekeysta oo isla hadla?
Post by: Moonaa212121 on June 24, 2017, 11:41:20 PM
Asc wr wbr salaan kadib waxaan rabay in talo la iga siiyo arin i haysata.

Daqtarow waxaan ahay qof aad u sheekeysta oo isla hadla oo walawal badan dareemo. Waxaan saas ahaadaba marba marka kadambeyso waan kasii daraa. Awala waan isla sheekeysan jiray bas si hoose hada kor baan u sheekeysta markey dadku iga maqan yihiin, musqushana waan ku daahaa anoon waxba ka hayn muraayada intaan istaaagaan isla sheekeysta sheekooyin aan aniga maskaxdeyda kasoo abaabulay oonba jirinba. Sheekooyinkaas hadey murugo yihiin waan la ooyaa hadaan faxad waan qoslaa. Waxaana ugu daran oo isoo kordhay markaan xasuusta wax qalad aan horey usameeyay darbiyadaa dharbaaxaa hadaan taleefoon haystana telkaan ku garaacaa haduu qof ii dhaw yahay qanjaruufo ama dharbaaxaan ku jabiyaa. Markaan ku dhufanayana iskama war qabo qofkii markuu qeyliyaan is gartaa . WAXAAN SAAS U DHAQMAA MARKAAN FAMILYGA LA JOOGO BAS MARKAAN BANAANKA JOOGO AWLIYAAN ISKA DHIGAA AAD BAANA ISU ILAALIYA. Waxaan saas oola dhaqmaa walaaladey hooyadey xataa iney ogaato ma jecli. Caaadadii waa iga wareersan tahay mar labood toos bey iga maqnaataa marna bishii laba mar bey i heleysaa. Timaheygana aad bey u daataan miisaankeygana aad buu u hooseeyaa. Markii iigu dambeysay oo la i baaro caafimadkeyga wuu wanaagsanaa oo wax cudur ah la iguma sheegin oon miisaan yari ka ahayn . Waan isku dayay inaan maskaxdeyda dajiyo laakiin waan awoodi la ahay. Maxaad igula talin laheyd.
Title: Re: Su'aal: Waxaan ahay qof aad u sheekeysta oo isla hadla?
Post by: SomaliDoc on April 13, 2018, 08:41:52 PM
Qaabka aad u tilmaantay cilladaada waa nuuc ka mid ah isku-buuqa, mana ahan waalli iyo wax la mid ah, sida aad sheegtayne waad xakamayn kartaa waadne iska ilaalisaa in waalid ama walaal kaa ogaado dabciyada aad la dhuumatid taasoo aad ka raadinaysid inaad xal aad kula tacaali kartid isku buuqa, akhriso qoraal ku saabsan cilladaan iyo sida habboon ee aad ula tacaali lahayd: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1704.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1704.0)

Midda isla sheekeysiga, halkaan ka akhriso qoraal kaloo ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6459.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6459.0)