Somali Medical Forums

Allied Health Professions => Pre-Pharmacy and Pharmacy => Topic started by: Pharmacist on November 17, 2010, 10:00:28 AM

Title: Daawada Naytorogalayseriin (Nitroglycerin)
Post by: Pharmacist on November 17, 2010, 10:00:28 AM
Nitroglycerin waa daawo loo isticmaalo in lagu daaweeyo xanuunka feedhaha ee loo yaqaanno angina. Nitroglycerin u qaado sida uu takhtarku ku faray.
• Haddii aad uur leedahay ama aad naas nuujiso, takhtarkaaga la hadal ka hor inta aadan isticmaalin daawadaan.
• Mar kasta hayso Nitroglycerin .
• Daawadaan waxaa laga yaabaa in ay caajis kugu riddo ama ku dawikhiso marka aad istaagayso ama sariirta ka soo kacayso. Si tartiib ah uga soo kac fadhiga ama jiifka.
• Ka fogow aalkolo markaad isticmaalayso nitroglycerin.
• Ku xafid nitroglycerin dhaladeedii asalka ahayd si aad awooddeeda u xafiddo. Daawadaan waa iney keentaan xanuun yar ama xat-xato
carrabkaaga hoostiisa ah.
• Daawada ka fogee meesha ay carruurtu ka gaaraan.

Haddii aad isticmaalayso kaniiniyo:
1. Fadhiiso oo naso 2-3 daqiiqadood.
2. Haddii aad feedho xanuun qabto ama lur aan ku soo roonaaneyn nasashada, 1 kaniini hoos dhig carrabkaaga. Ha liqin kaniiniga.
3. Haddii aad weli feedho xanuun qabtid 5 daqiiqadood ka dib, kaniiniga labaad dhig carrabka hoostiisa.
4. Haddii feedho xanuunku uusan kaa tagin 5 daqiiqadood ka dib, isticmaal kaniini saddexaad. Waxaa laga yaabaa inaad 3 kaniini qaadatid 15 daqiiqadood gudahooda.
5. Haddii uu xanuunku weli ku sii hayo, wac 911. Baabuur ha u wadanin isbitaalka, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa in wadnaha lagaa qabto.

Haddii aad isticmaalayso buufis:
1. Fadhiiso oo naso 2-3 daqiiqadood.
2. Haddii aad feedho xanuun qabto ama lur aan ku soo roonaaneyn nasashada, qasaca daawada kor u qabo iyadoo meesha laga buufinayo ay afkaaga ugu dhowdahay sida aad awooddo.
3. Badhanka hoos u riix ka dibna daawada ku buufi carrabkaaga korkiisa ama hoostiisa. Isla markiiba ha liqin. Sug 10 ilbidhiqsi.
4. Haddii feedho xanuunkaagu sii socdo wax ka badan 5 daqiiqadood, mar labaad afkaaga ku buuxi daawada.
5. Haddii feedho xanuunku uusan tagin 5 daqiiqadood ka dib, mar saddexada isku buufi. Waxaad isticmaali kartaa ilaa 3 buufin 15 daqiiqadood gudahooda.
6. Haddii uu xanuunku weli ku sii hayo, aad isbitaalka. Baabuur ha u wadinnin maxaa yeelay waxaa laga yaabaa in wadnaha lagaa qabto.
Isla markiiba wac takhtarkaaga haddii isku aragto mid ka mid ah saameynadaan liddiga ah:
• Arag ceeryaamo ku jirto
• Dhibaato neefsasho
• Miyir beelid, war-wareer ama daciiftinnimo daran
• Wejiga oo ku casaada ama wejiga oo ku kululaada
• Wadne garaac xawaaraynaya
• Madaxa xanuun
• Lalabbo

La hadal takhtarkaaga, kalkaalisada ama farmashiistaha haddii aad wax su’aalo ama walaac ah oo ku saabsan nitroglycerin aad qabtid.