Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: khadarkm5 on September 14, 2008, 10:55:40 AM

Title: Caajis farabadan iyo Qoor xanuun
Post by: khadarkm5 on September 14, 2008, 10:55:40 AM
walaalayaal waan idin salaamay salaan kadib walalayaal waxaan isku arkay subaxdii markaan soo kaco caajis fara badan iyo qoorta oo ixanuunta daaldaal xubnaha ah oo wajiga iyo maqaarka dhan oo i qalala macnaha waxaan kadareemaa in ay qalayl qalayl yihiin waxaanan arkaa badanaa calaamadahaas markaan ku qabeysto saabuun qabayska ayaan arkaa f/g waxaa iigu daran xubnaha gacmaha iyo dhabarka iyo qoorta marka hala iga jaahil bixiyo walaalayaal
Title: Re: Caajis farabadan iyo Qoor xanuun
Post by: SomaliDoc on December 12, 2008, 12:55:49 PM
Walaal khadar, caajiska iyo qoor-xanuunka subaxii waxaa keeni karo waxyaabo badan ee faahfaahin dheeraad ah na sii?

Midda kale haddii aad ogaatay in saabuuntu ay kuu keentay kor qalleel iska jooji, laakiin haddii weli xanuunkii ku hayo u tag dhakhtar maqaar.
Title: Re: Caajis farabadan iyo Qoor xanuun
Post by: Abdiselamhaji on June 05, 2013, 11:39:10 AM
Ac wr waxaan ku daranaya dhaqaatiirka sharafta lahow kalimad walalkay haysato oo iyadoo faahfaahsan anigana I haysato ania waxan kacabanaya in mudaaba qoor xanuun iyo garabka hoostiisa ee qaybta dhabarka iyo kilkisha hoosteeda   waxaan kashaqeeyaa meel xafiis ah mukayf ayaana igu shidan  in kadib qoorta markay idaasho waan jucin jiray  dhaqtar aayaan tagay waxuu dhahay murqaha aya kudhacay camal oo jimicsi ayuu ii qoray iyo  Phiotherapy kadibna qoortii way yara roonatay lakin qaybtii danbe ee garabka hoostiisa ayaa I xanuunayo qaab neerfeed ama xidid ahaan ayaa udareemaya badana xanuunka markaan foorarsado ayaa uGu dran waxaana moodaa qaybta dhabar ka iyo garabka hoostisa in qabow camal kaaga jiro
 kulaynka iyo qabawgana way I dhibayan markan in yar fadhiyana sidoo kale jucis ayan ubaahan
Title: Re: Caajis farabadan iyo Qoor xanuun
Post by: CilmiSabca on June 11, 2013, 11:49:31 AM
Haddii aadan saabuunta isticmaalin se; dhibaatada ma jirtaa?