Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Gentleman1 on October 12, 2009, 10:11:08 PM

Title: Su'aal: Markaan dhidido waxaan dareemaa cuncun?
Post by: Gentleman1 on October 12, 2009, 10:11:08 PM
waad Mahadsantihiin dhamaan walaalaha qiimaha badan ee u istaagay Hooshan
qiimaha badan run ahaanti aad ayaan ugu farxay markaan arkay web kahadlaya
waxa dhamaan somalidu ay u oomantahay oo ah beyad caafimaad arintana wa arin maraka aad aragto web noocan oo kale aad ugu farxeysid.
intaas hadii an ku dhafo waxan kalo umahad celinaya Dr.Mahdi oo gacan ween iga siiyay sidi an ku heli laha Fursad aan ku soo gudbiyo Su'asha aan qabo.
Thnx Dr.Mahdi.
waxan raba in an weydiiyo bahweenta Somalidoc.com
I'm teen age boy marka qofka haduu teenage yahay waxa uu lakulama sida iska caadiga ah isbadalo xaga jirka ama maskaxsda ha ahadan
aniga waxa badan ayan waxan kacawanayay xaga Skin ka lakin hada al-xamdulilaah.
sometimes markan Dhidido ama an qubeysto ama an weeseysto waxan dareema Cun cun xaga skinka arinta na ayan waxan raba in information iga siisan
thnx.
Title: Re: WOW!Wenderful!!!!!!!
Post by: SomaliDoc on October 14, 2009, 12:00:02 PM
Xaaladdaada waxa ay u egtahay waxa loo yaqaanno "Aquagenic Pruritus" oo ay tahay macnaheedu cuncun ka dhasho biyaha (Water-induced Itch) kaasoo uu qofku dareemo sida aad sheegtay markii uu qubeysto ama weeseesto isagoo aanan isticmaalin saabuunno ama shaambooyin ay dhici karto in uu xasaasiyad ka qaaday.

Waxaa cuncunkaan badanaa laga dareemaa gacmaha, lugaha iyo xagallada. cuncunkaan wuxuu qofku hayaa illaa 1 saac ama ka badamba.

Waxaa loo isticmaaloo kareemyo loogu talagalay in cuncunka ay joojiyaan oo la marsado qubeeska ka dib ama waxaa kaloo la marsadaa saliidda caruurta (baby oil), laakiin waa in jirka qallajisaa qubeyska ka dib.

Kareemka waxaan ka heli kartaa farmashiyaasha  waxaana loo yaqaannaa "capsaicin cream" ama haddii aad weydo waxaad isticmaashaa kareem anana ku jirin maadada "Lanolin" (lanolin-free Aqueous cream).

Mahadsanid
SomaliDoc