Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on May 28, 2012, 06:16:45 PM

Title: Su'aal: Seexinta carruurta qadada ka dib, faa'iido ma u leedahay?
Post by: CilmiSabca on May 28, 2012, 06:16:45 PM
Asc walaalayaal dhamaantiin. Sln ka dib.
Dhakhtar, adiga oo mahadsan, waxaan ku weydiinayaa: Caruurta yar yar, kuwa dhexe iyo kuwa waa weyn, (qeybaha da'da:- > 0 ilaa 2 sano, 2 ilaa 7 sano, 7 ilaa 12 sano,,, kd), haddii la seexiyo ama la baro in ay seexdaan {jiifsadaan}, maalin Alle markii ay qadeeyaan, Qadada ka dib, faa'iido Caafimaad ma ugu jirtaa hurdadaas <<ilaa iyo Gabal-dhaca hortiisa>>?.
Sidaas oo kale, Caruurta kuwa aan la seexin qadada ka dib ammase aan la barin in ay jiifsadaan, farqi intee le'eg baa u dhaxeeya iyaga iyo kuwa maaalintii seexda?.
Weydin wada MAHADSAN TIHIIN. Salaama Allaah.
Title: Re: Su'aal: Seexinta carruurta qadada ka dib, faa'iido ma u leedahay?
Post by: SomaliDoc on June 04, 2012, 09:46:53 PM
(http://somalidoc.com/Topics/qayluul.png)

Hurdada duhurkii waa la isku waafaqsan yahay in ay faaido u leedahay qof walba oo jiifto ha ahaado caruur ama qof weynba, inkastoo faa'idada caruurta ay ka helaan ay aad uga badan tahay dadka waawayn.
Diinteenana waa ay na fartay in aan jiifsano duhurkii maadaama uusan shaydaanka jiifanin.

Waxaa arintaan laga sameeyay cilmibaarisyo kala duwan ku waasoo lagu ogaaday in duhurka oo la jiifto in laga faaidaysanayo dhowr arrimood oo ay ka mid tahay:


Faaidooyinka ay leedahay duhurka oo la jiifto mid la soo koobi karo maahan ee akhristow haddii aadan jiifanin duhurtii faaido badan ayaa kaa maqan, haddii aad arday tahay oo aad rabtid in aad waxbarashdaada ku sara martid, duhurkii jiifo, kadibna wax akhris u fadhiiso, waad ku guuleysan doontaa ilaahay idinkiis.
Inkastoo dadka qaar aysan u suura galaynin in ay hurdo helaan xilligaas maadaama waxbarasho ama shaqo lagu maqan yahay, laakiin qofkii fursdaan heli karo, haka faa'idaysto.

Baaritaan lagu sameeyay arday dhigato jaamcad ku taallo dalka ingiriiska, waxaa la arkay in ardayda jiifato duhurkii ay 20% ay ka horreeyaan xagga dhinac kasto ardadyda aanan jiifanin, waxaa la is barbar dhigay xaga firfircoonida, xasuusta, xifdinta iyo farxada iyo la jaanqaadka dadka kale.
Inta ugu yar ee faa'ido lagu heli karo waxay cilmibaarayaashu ay sheegeen 20 daqiiqo "20-minute nap" in la hurdo duhurkii, waana waqti kooban uu qofka ka heli karo jadwalkiisa, haddii aad firaaqo fiican haysatid, 1 saac waad ku helaysaa wixii faa'ido ah ilaahay idinkii.

Wixii diinteena suuban ay na farto, kheyr baa ku jira dhinac walbee, halaga faa'idaysto.

Akhriso qoraal ku saabsan hilmaanka iyo wax xifdin la'aanta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4524.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4524.0.html)

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)