Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Guud => Topic started by: SomaliDoc on February 25, 2009, 09:38:52 PM

Title: Boogoobidda Maroorka (Ulcerative Collitis)
Post by: SomaliDoc on February 25, 2009, 09:38:52 PM
Ulcerative colitis waa cudur ku dhaca xiidmaha waaweyn. Sababta keenta lama garanayo.
Gidaarka gudaha ah ee xiidanka, oo sidoo kale loo yaqaanno xiidmaha waaweyn, ayaa cun-cuna ama barara. Xanuun yar-yar ama nabaro ayaa samaysma . Tani waxay badanaa ka billaabataa qaybta hoose ee xiidanka wayna fidi kartaa.

Calaamadaha
Waxaa laga yaabaa in aad isku aragto calaamadahaan qaarkood ama dhammaan:
• Calool xanuun
• Shuban
• Dhiig saxarada la socda ama malawadka ka imaanaya
• Daal fara badan
• Cunto cunid la’aan
• Caatoobid
• Dheecaannada jirka oo luma, sidoo kalena loo yaqaanno fuuq bax

Daryeelkaaga
Takhtarkaaga ayaa ku eegi doona oo baaritaanna ku amri doona.
Baaritaannadaan waxaa laga yaabaa iney ku jiraan:
• Sambal saxaro si dhiig looga baaro.
• Barium enema si loo arko sawirka raajada ee xiidanka.
• Baaritaan lagu eegayo gudaha malawadka iyo xiidanka. Mararka qaarkood sambal nud ah, oo loo yaqaanno biopsy (hilib yar oo jirka laga soo jaro), ayaa la qaadaa si shaybaarka loogu baaro.

Daaweyntaada waxaa ka mid noqon kara:
• Ka fogaanshada cuntooyinka uga sii daraya calaamadaha.
• Daawooyin lagu xakameynayo bararka xiidanka.
• Qalliin.

Haddii aad u baahantahay warbixin dheeraad ah ama su'aalo aad qabtid halkaan ka weydii
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)