Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Gaadhhaye on December 22, 2010, 08:51:21 PM

Title: Su'aal: Xanuun lugta xaga hoose ee u dhaxaysa labada kuraamood kuna qotonta cidhibta?
Post by: Gaadhhaye on December 22, 2010, 08:51:21 PM
[SALAMU CALAYKUM
waxaan dhakhaatiirta is xilqantay weydiinayaa waxaa i xanuunaysa lugta xaga hoose ee u dhaxaysa labada kuraamood kuna qotonta cidhibta waa seedaa dheer ee xaga danbe markaa laftaa i xanuunaysa,kubada cagtana waan ciyaaraa markaas miyay dhib igu keeni kartaa maxaase daweyn kara
waanay i barartaa markaan xoog u lugeeyo ama aan kubada ciyaaro.
Title: Re: Su'aal: Xanuun lugta xaga hoose ee u dhaxaysa labada kuraamood kuna qotonta cidhibta?
Post by: SomaliDoc on December 23, 2010, 07:28:23 PM
http://www.youtube.com/watch?v=sn6a0X8oXhgXanuunkan waxaa loo yaqaanaa Calf Strain ama Calf Pain, waana xanuun u badan dadka orda ama jimicsada sida ciyaartoyda oo kale.
Xanuunka wuxuu bataa marka ugu horreyso oo aad ordayso kadibna waad la qabsanaysaa.

Muruqa lugta ee dambe ayaa xanuunka ka bilawdaa wuxuuna ka dhashaa dhaawac yar oo gaaray, taasoo keeneysa in xirgaha yaryar ee murqaha ka koobmaan qaar ka mid ah in ay jeexanyihiin taasoo keeneysa in qulqulka dhiiga uu wada gaari waayo muruqa kadibna ay kaduudato xanuunkane halkaa uu ka yimaado.

Waxaad u baahantahay in aad la xiriirto takhtar ku takhasusay cilmiga "Sports Medicine" si loo fiiriyo dhaawaca muruqa gaaray inta uu la egyahay kadibna laguu sameeyo jimicsi loo yaqaanno "Calf Stretching" kaasoo ugu yaraan 6 week la sameeyo.

Haddii lugta iyadoo ku xanuunayso aad ku ciyaartid in muddo ah waxaa halis ugu jirtaa in muruqa uu dillaaco ama jeexmo.

SomaliDoc