Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Dhiblawe33 on November 09, 2016, 05:12:02 PM

Title: Su'aal: Qalliinka Hernia?
Post by: Dhiblawe33 on November 09, 2016, 05:12:02 PM
Asc. Diktore
Salan kadib. Waxan rabaa inad faahfaahin badan ad iga siiso cudurka Hernia ama Eerno o ad horey ugu hadashay.
Waxa shegtay inu qaliin daawo u yahay. Qalinkas muxu halis ama dhib dambo o ka imaan karo ayu leeyahay ila inte ayu ugu bogsan karaa qalin kadib mana so laaban kara qalinka kadib xanuunka. Mida kale exercise ama jimicsi ma jira mise loogu bogsan karaa hadi la sameyo. Cudurkan waxa no shegtay xanuna badan u sababo ma leeyahay hami xaga galmada iyo biyo degdegid xaga galmada. Wsc
Title: Re: Su'aal: Qalliinka Hernia?
Post by: SomaliDoc on November 26, 2016, 11:32:53 AM
Eernada loogama bogsado jimicsi oo wayba kaaga sii dari kartaa, nooca eernadaada ayay ku xiran tahay qalliinkaaga sida uu noqon doono, inkastoo dhakhaatiirta ay ka taxaddaraan in eernada soo laabato qalliinka ka dib, laakiin nooca qalliinka ayay ku xiran tahay.
Wixii faahfaahin dheeraad ah si aan kuu siinno, soo sheeg eernadaada meesha ay ku taallo.