Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: CilmiSabca on February 04, 2018, 08:57:09 PM

Title: Cudurrada Faafa.
Post by: CilmiSabca on February 04, 2018, 08:57:09 PM

Cudurrada faafa waa jirooyin faafi kara amma tarmi kara, waayo waxa ay awoodaan in ay u fidaan si toos ah amma si dadban, sida iyaga oo iskaga kala gudba qof ilaa qof kale, amma xayawaan ilaa xayawaan kale, amma qof ilaa xayawaan.
Haddaba, cudurrada faafa ee ay isku gudbiyaan dadka iyo xayawaanka (tusaale; xoolaha) ayaa waxaa loo yaqaannaa (Hosts).
Dhammaan cudurrada faafa, waxaa sababa noole aanay ishu arki karin (ili-ma-aragto ah), noolehaan oo loo yaqaanno (Living Micro Organisms) amma abuure loo yaqaanno (Agents), waxaana ka mid ah;-
Sidaas darteed, cudurrada faafa ee la daaweyn karo ee ka gudba qof oo u sii gudba qof kale, ayaa waxaa loo yaqaannaa CUDURRADA FAAFA (Communicable Diseases).
Waxaana ka mid ah;
Malaariya (https://goo.gl/N8rb4F) (Duumo/kaneeco).
Iyo
Diarrhea (https://goo.gl/L6iG7d) (Shuban).

Kala soco qeybtaa Mowduucyo kale insha Allaah.