Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: Admin on November 08, 2009, 04:38:03 PM
-
(http://somalidoc.com/Topics/qorsheyn.png)
Haddii aan halkaan ku soo koobo faa'idooyinka kala durkinta caruurta:
- Cunugga wuxuu ku dhalan karaa miisaan dabiici ah isagoo aanan dhaafin xilligii rabbi ugu talagalay.
- Cunugga wuxuu heli doonaa in uu naas nuugo waqtigii ilaahay ugu talagalay ee labada sano ahaa, taasoo la ogaaday naasnuujinta dhameestiran in ay faa'ido aan la soo koobi karan u leedahay korriinka jirka iyo maskaxda caruurta, ka akhrisi halkaan faa'idooyinkaas: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,382.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,382.0.html)
- Cunugga safiican ayuu u kori doonaa maadaama hooyada ay siineyso daryeel ku filan oo aanan kaga mashquulaynin.
- Hooyada waxay heli doontaa awood iyo tamar ku filan, wayna ka fogaan doontaa niyad jabka iyo diiqada.
- Hooyada waxay heli doontaa waqti ku filan in cunuggeeda ay la sameyso xiriir adag iyo kalgacal taasoo kobcin karta maskaxda caruurta
- Caruurta mustaqbalka waxay heli doonaa caafimaad buuxa maadaama hooyada ay u nasatay oo iyadoo nafaqo filan jirkeeda leeyahay ayay uur u qaadaysaa.
- Caruurta u kala dhaxayso da' fiican way kaga diyaargarow ogyihiin xagga waxbarashada iskuulka.
- Kobcitaanka maskaxda iyo sahlanaanta barashada xirfadooyinka way u fudud tahay caruurta waqti fiican ay u heleen waalidoontooda khaas ahaan hooyada.
- Wuxuu kaloo cunugga waqti fiican u helayaa inuu ku dhex koro qoys waqti iyo jaceyl iyo xiriir adag ka dhex samaysmi karo, maxaayeelay caruurta isku xigxiga hooayda waxay ku qasbanaataa in caruurta wayn ay u deyso kuwa naaska laga gooyay taasoo ka imaato isfahan la'aan iyo dagaal, cunuggane wuxuu ku koraa niyadjab iyo naceeb.
- Hooyada iyo aabaha waxay isku helaan iyagane waqti fiican taasoo kolkoolinaysa jaceelkooda iyo isgacan qabashada korriinka caruurta, waxay kaloo waqti u heli karaan howlahooda kale.
- Qoyska caruurta kal fogeeyo way ku yartahay is qabqabsiga iyo dhibaatada dhaqaalo maareynta.
http://www.youtube.com/watch?v=TzFswLNEpOE (http://www.youtube.com/watch?v=TzFswLNEpOE)
Haklaan ka akhriso qoraal ku saabsan sida aad caruurta u kala fogayn kartid: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5840.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5840.0)
Haddii aad su'aal qabtid ku soo gudib halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)