Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mohamed Abdirizak on October 25, 2015, 11:13:46 AM

Title: Su'aal: Markaan biyo badan cabo ilaa (750 ml) waxyar kadib kaadi baa iqabanaysa?
Post by: Mohamed Abdirizak on October 25, 2015, 11:13:46 AM
hadaba su,aashaydu waxay tahay kaadidan markaan biyaha badan cabo iga imaanaysa ma faa,idaa oo kalyaha bay sifayn  mise waa xanuun,sidoo kale markaan kaadida dhamaysto tif tif ama waxyar oo kaadi ah baa iga imaanaysa oo goos goos ah iyadana xalkeeda  ama dawadeeda
inkasto aysan kaadidu i dhibin markaan kaadinayo iyo markay igadhaamatoba

Mahadsanidiin
Title: Re: Su'aal: Markaan biyo badan cabo ilaa (750 ml) waxyar kadib kaadi baa iqabanaysa?
Post by: SomaliDoc on November 04, 2015, 10:55:20 AM
Waxaa jiro qoraalo dhowr ah oo aan horay uga hadalnay faaidada cabitaanka badan, iyo haddii ay wax dhibaato ah keenaan haddii si xad dhaaf ah loo cabo iyo isbadalka caafimaad ee kilyaha ku sameeyaan.

Akhriso qoraaladaan hoose:
1- Caafimaadka laga helo biyaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5971.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5971.0.html)
2- Sidee u wanaajisaa caafimaadka kilyaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5738.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5738.0.html)
3- Dhibaato ma keenaan biyaha badan oo la cabo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5447.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5447.0.html)
Title: Re: Su'aal: kee waxtar badan in la isticmalo dawada PDE-5 iyo bomatada Lidocaine
Post by: Mohamed Abdirizak on July 13, 2016, 10:56:21 AM
SC DHAMAAN DHAKHAATIIRTA IYO DADKA KU XIRAN WEBKAN AAD MUHIIMKA U AH

intaas ka dib 2 sua'aal baan qabaa oo kala ah sidan:

Daawada ugu wanaagsan ee lagu daweeyo cudurkaan baa ah maadada kooxda PDE 5-joojisa, daawooyinkaasi waxay xoojiyaan qulqulka dhiiga xubinta ragga, iyadoo la helayo kacsi ama uu joogto noqonayo.
 1:suaashaydu kowaad waxay tahay  daawooyinkan PDE-5 maxaa kamid ah mida soomaalidu adka u isticmaasho ee looyaqaan VEGA makamid baa wax dhibaato ahna ma iikaynaysaa hadan isticmaalo?

waxaa kaloo jira bamaato kabuubiso (Lidocaine) ah oo la marsado taasoo keento in dareenka uu yaraado sidaasne ay ku dheeraato muddada.

Su'aashayda labaad
 2:doomaatadan mawaxay meesha ka saaraysaa dareenka kacsiga oo muhiim ah mise kaliya biyahay daahinaysaa,qaabka loo marsanayo ma xubinta dhan bad ku duugaysaa  mise gumuca hore oo kaliya
in la isticmaalo boomaatadan ama PDE-5 kee baa fiican labadooda
Title: Re: Su'aal: Markaan biyo badan cabo ilaa (750 ml) waxyar kadib kaadi baa iqabanaysa?
Post by: SomaliDoc on September 04, 2016, 07:49:05 PM
Waa sax waxaa ka mid ah daawada Viagra, halkaan ka akhriso warbixinteeda: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3443.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3443.0)
Midda ku saabsan bamaatada, waxay yaraynaysaa dareenka sidaas ayayne biyaha u soo daahayaan.